Muhiimada ay leedahay inaad Dadka Caawiso

Haweenay dhar qaali ah ku labisan ayaa soo gashay xafiiska nin dadka la taliya, waxay ka cabanaysay inay dareemayso farxad la’aan nolosha ah iyadoo taajir ah oo heysata wax kasta.

La-taliyihi wuxuu u yeeray Islaan nadiifiso goobtiisa ka ah. Wuxuu ku yiri, “Waxaan weydiinayaa nadiifisada siday farxada u hesho. Waxaan kaa doonayaa inaad dhageysato keliya.”

Nadiifisadi waxay dhigtay xaaqinki ay wadatay, way fariisatay waxayna bilowday sheekadeedi:

“Ninkaygi ayaa u geeriyooday Malaria, 3 bilood ka dibna waxaa shil gaari ku dhintay halki wiil aan dhalay. Ma haysan cid kale. Ma haysan wax hanti ah. Ma seexan karin hurdo. Ma cuni karin cunto. Qofna uma dhoolacadeyn. Waxaan xitaa mar ku fakiray inaan dunidan isaga tago. Ka dib habeen anigoo lugeynaya, Bisad yar ayaa i soo daba gashay oo guriga ii soo raacday, waan ka naxay. Caano ayaan siiyay. Weelki ayay ka dhameysay. Ka dib waxay is marmarisay lugteydi, waan dhoolacadeeyay.

Waan fakiray haddii bisad yar aan caawiyay iga dhigi karto inaan dhoolacadeeyo, hadaan dadka caawiyo farxad badan baan heli lahaa. Maalinti ku xigtay, waxaan sameeyay buskud waxaan u geeyay qof deriska oo xanuunsanaa. Aad baan u farxay inaan arko iyagoo faraxsan. Maalin kasta aan isku dayo inaan qof wax wanaagsan u sameeyo waxay ii keentaa farxad.

Maanta, ma garanayo qof u seexda ama wax u cuna sidayda oo kale. Waxaan ogaaday inaan qof muhiim ah ahay oo dadka u baahan yahay. Waxaan helay farxad.”

Haweenaydi cabanaysay goortii ay sheekadan maqashay waxay bilowday inay ilmayso. Waxay heysatay wax kasta oo lacag lagu iibsan karo laakiin waxaa ka maqnaa waxyaabaha aan lacagta lagu iibsan karin.

Quruxda Nolosha kuma xirna sida aad u faraxsan tahay; balse sida kuwa kale farxad u heli karaan adiga dartaa. Kuwa Guuleysatay waxay had & jeer raadiyaan fursado ay dadka ku caawiyaan.

Noqo bixiye, ha noqon urursade keliya.
Noqo qeybiye, ha noqon qaate keliya.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *