k’naan Iyo Filmkiisa Cusub Ee La Magac Baxay “THE POET”

knaan 2015Fanaanka isla markana jilaaga ah ee K’naan Warsame ayaa soo wada film cusub oo lagu magacaabo ‘The Poet’. Filmkan uu asaga qoray isla markana soo saare uu ka yahay ayaa ku saabsan wiil lagu magacaabo Maano oo reer Muqdisho ah oo raadinaya walaashiis ka dhuntay.

Filmkan ayaa mid madax banaan oo qarashka ka imaan doono jeebka K’naan, waana filmkii ugu horeeyay uu K’naan soo saare ka noqon doono.

Waxa xusid mudan in mashruucan uu K’naan wado uu ku guuleystay Global Filmmaking Award ee Sundance Institute uuna heli doono lacag dhan $10,000.

Weli lama shaacin filmka duubistisa iyo waqtiga lasii deyn doono, balse dad badan ayaa ku han weyn in film qiiro ku dheehantahay uu noqon doono.

Nasiib wacan K’naan.

Check Also

Filim Xiiso Badan Oo Ay Jilaayaan Dhalinyaro Soomaaliyeed

Waxaa soo baxay filim cusub oo la magac baxay Hoygii Geerida (Death Home), kaasoo ay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *