Khudrado Dalkeenna Laga Helo Oo U Fiican Caafimaadka Wadnaha

Wadne xanuunku waa sababta koowaad ee dunida maanta loogu dhinto waxaana la aaminsan yahay in wadne xanuunka iyo xaaladaha caafimaad ee ka dhashaa ay si isa soo taraysa ugu badanayaan guud ahaanba daafaha dunida.

Qormadan waxa aynu akhristayaasheena kula wadaagaynaa khudrad ay culimada caafimaadku xaqiijiyeen in ay la saaxiib tahay wadnaha oo ay xoojiso caafimaadkiisa, khudraddaas oo tiro badan waxa aynu ka xusayna inta aalaaba laga helo dalkeenna, waxa aanay yihiin:

Tufaaxa:

Khubrada caafimaadku waxa ay caddeeyeen in tufaaxu uu wadnaha ka caawiyo awoodda u uu leeyahay ka hortagga noocyada dufanka dhiigga raaca oo ka mid ah sababaha ugu badan ee keena wadne xanuunka.

Muuska:

Muusku waxa uu qani ku yahay maadadda Potassium oo ka shaqaysa nidaaminta iyo wanaajinta wareegga iyo cadaadiska dhiigga, ka hortag fiicanna u ah cudurrada sababa in uu daciifo muruqa wadnuhu.

Liin macaanta:

Liin Macaanta waxaa ku jira maadadda pectin oo ka mid ah maaddooyinka milma ee sida weyn ugu fiican caafimaadka wadnaha, aadna hoos ugu dhiga heerka Kalastaroolka dhiigga. Sidoo kale Liin macaantu waxa ay ka qayb qaadataa dhimista miisaanka, waxa aanay jidhka ku xoojisaa Potassium iyo Faytamiin C oo labaduba yareeya khatarta dhiigkarka.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *