Khudaarta Cagaaran Iyo Araga Indhaha


Saynisyahanka Caafimaadka ayaa ku taliyey isticmaalka khudaarta cagaaran oo ay sheegeen in ay u fiican tahay caafimaadka Indhaha dadka, iyada oo ay aad ugu sii fiican tahay dhanka araga oo ay kordhiso.

Khubaradan saynisyahanka ah oo ka socday jaamacadda University of Harvard qaybteeda caafimaadka ayaa sheegay in cunitaanka Kaabashka iyo khudaarta kale ee cagaarani keento in ay indhuhu helaan awood saa’id ah oo dhinaca aragtida ah,iyaga oo tijaabo ku sameeyey dad gaadhaaya 105,000 oo qof.

Xeel dheereyaashan caafimaadka ayaa intaasi ku daray in dhirtaasi qaar badan oo kamid ahi ku wanaagsan yihiin ka hortaga xanuuno badan oo dadka waqtigan ku dhaca, gaar ahaana xanuunka Cancer-ka loo yaqaano.

Intii daraasadan lagu jiray waxa laga soo qaatay qoraal daraasado hore oo la sameeyey sannado kala duwan,gaar ahaana sannadihii 1984 ilaa 2012 intii u dhaxaysay, kuwaas oo dadkii waqtigaasi ka qayb qaatay oo da’doodu ahayd 40 sanno ay tana ka qayb qaateen,kuwaas oo qaarkood ay ka badbaadeen xanuuno kala duwan oo ay ugu khatar sanayd xanuunka la odhan jiray Blue Water Disease.

Dadka khudaarta cuna ayay culimadani sheegeen inay 20% ilaa 30% ka bad baadaan xanuuno badan oo dadka khatar ku keena.

Khubaradan ayaa aaminsan in cunitaanka khudradani ay ka hortagto inay qofka ku dhacaan xanuunada ay sababto dhiig la’aantu, gaar ahaana dhiiga cad, iyada oo ay ku badan tahay maadada lagu magcaabo Nitrogen Dioxide, taas oo muhiim u ah wareega biyaha isha iyada oo dadka indhaha ka cabanaaya dhakhaatiirtu kula taliyeen inay cunaan khudaartaasi.

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *