Khilaafaadka Qoyska (Family Problems) W/Q: Hibo Ciise

Xidhiidh kasta wuu yeelan karaa buuq  iyo dhibaatooyin ku yimaada marar badan, waana mid hubaal ah qoyska wada nool ha noqodaan lamaane is-qaba iyo walaalo wada dhasey kay doonabee in ay wax soo kala gaadhaan, oo hore waati loo yidhi carab iyo labadiisa daanba way is qaniinaan,  lakiin haddana hadduu xadka ka baxo wuxu  dhaxalsiiya bulshada burbur iyo kala fogaan hor leh, haddii aan laga soo gaadhin

Qoraalkan kooban waxeynu ku eegi karnaa qodobada u badan ee keena inuu yimaado khilaaf, asbaabaha keena iyo hababka u fiican ee looga hortagi karo amaba lagu xalin karo.

Maxaa inoo sheegaya inuu khilaaf Qoys Jiro

  1. Muran soo noqnoqda
  2. Is waafaqsanaan la,aan
  3. Wada hadalka/xidhiidhka oo yaraada
  4. Cadho afaafka joogta
  5. Kala fogaan
  6. Dirir iyo dagaal joogta ah
  7. Gacan ka hadel

Maxa sababa haddaba iney yimaadaan qodobadda aynu kor ku xusnay?

Waxa keeni kara

  1. In lagu kala duwanaado , diinta, dhaqanka, fikirka, hab dhaqanka qof ahaaneed, ahdaafta oo lagu kala gadisan yahey
  2. Xaalada qoyska oo is badesha
  3. Duruufo dhaqaale
  4. Gogosha oo lagu heshiin waayo (Saxuality)
  5. Xanuuno xaga dhimirka ah
  6. Masiibooyin dabiiciya
  7. Shaki iyo kalsooni daro

Tan oo taa dhashey maxey ku sabaabaan Qoyskii?

Qoyskaaga ha noqdo lamaanahaaga, ubadkaaga iyo ehelkaagu waa cida u muhiimsan ee aad haysato, haddii xidhiidhkiina ay mushkilado ka qarxaana, saameyn wayn ayey kugu yeelanaysaa, waxaana ka mid ah saameyntaasi.

  1. Dareen khaldan, (Cadho, Murugo, warwar)
  2. Isku buuq
  3. Diif iyo daal
  4. Wareer
  5. Dareen kalinimo ama in lagu takoorey
  6. Abateed la,aan ( ka go,id cunada iyo cabitaanka)
  7. Inaad la heshiin waydo asxaabta, shaqaalaha iyo dadka ay hawlo idinka dhaxeeyaan

Sidee looga hortagi karaa?

Caano daateyba dabadood la qabey, haddii aan xal dhakhso ah la raadina arintani way ku huursaneysaa ilaa ay heer xun gaadho.

qaad talaabooyinkan si aad xal uga hesho

  1. Wada hadal: in la hadlo waxey qayb weyn ka qaadataa in lays fahmo “ aan wada hadalno waa aan is fahano”, markii la hadlo ayaa la ogaanaya qof kasta wuxu ka cabanayey, waa hubaal markaas uunbaa la xalin karaa “Xog la helyaaba Talo la hel”
  2. Garawshiiyo: waa inaad garwaaqsataa inaaney faraha bini Aadanka aaney sineyn, sidaa si lamidana aaney dadka u sineyn, oo lagu kala duwanaan karo fikirka iyo qiyamka nolosha.
  3. Tanaasul: haddii aan lakala roonaan rooba ma da,o, waa in laysku dul qaata oo aan lakala istaagin wabiga labadiisa dacal, waa in hadba qof tanaasulaa oo soo talaaba si uu kan kale usoo gaadho

Sideed ku gaadhi kartaa talaabooyinkan

    1. La hadal qofka laftiisa/lafteeda , asxaabta , ehelada iyo cidii aad u aragto iney nasteex kuu hayso
    2. Qaado koorsooyin kor loogu qaadayo xidhiidhka qoyska haddii ay kuu suuro gasho
    3. Dhageyso wacdiyada culimada ee la xidhiidha khilaafaadka qoyska, iyo hababka loo xaliyo khilaafaadka qoyska diinteena suuban.

W/Q: Hibo Ciise

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *