Khamro Lagu Sheegay Inay Xalaal tahay Lasoo Saaray Iyo Culimo Ka Hadashey

Halal_wineKhamradii ugu horeysay oo Xalaal ah (Halal-Wine) ayaa waxaa soo saartay Shirkad saldhigeedu yahay Magaaladda Dubai ee Imaaraadka-Carabta.

Shirkadan ayaa lagu magacaabaa Lussory, waxaana Khamrigan laga sameeyay Canab laga keenay Dalka Spain, iyadoo la xaqiijiyay 100% inaysan jirin haba-yaraatee maadadda loo yaqaan Aalkoladda (Alcohol) ee sababta qofka inuu sarqaaamo.

Culimadda imaaraadka Carabta ayaa ka digay arintaan, waxayna sheegeen inay arintani horseedi-doonto fusuqa iyo fawaaxishta inuu ku faafo gudaha Dalka imaaraadka-Carabta,qaasatan dhalinyaradda oo laga yaabo inay ku kadsoomaan Khamrigan loo bixiyay(Halal-Wine) ee durba macaamiil badan helay.

Qurbo.net waxey u digeysa dhalinyaradda Soomaaliyeed ee Imaaradka ku dhaqan iyo kuwa u dalxiis taga anagoo ugu baaqeyna inay ka fogaadaan oo aysan aaminin Shirkadda Lussory oo maalmahan dariiqyadda wadooyinka Dubia iyo Abu-Dhubai ka bilaabay xayeeysiin ku saabsan khamrigan ay ku sheegeen Xalaasha (Halal-Wine).

Check Also

Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *