Khabiirad Soomaaliyeed Oo Soo Bandhigtay Daawooyin Maqaarka Jirka Qurxiya Oo Xalaal Ah

maqaarka jirkaSalima Amsa waa gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Canada waxay aad ugu takhasustay daawaynta xanuunada maqaarka jirka.

Salima waa aas-aasaha xarun caafimaad oo lagu magacaabo Lusso Medical Laser waxayna leedahay khibrad aad u sareeysa oo la xiriirta daryeelka maqaarka jirka iyadoo ku guda jirtay mudo 15 sano ah.

salima skin care solutionsDhawaan ayay waxay soo bandhigtay daawooyin jirka la mariyo oo xalaal ah, daawooyinka ayaa loogu magacdarey Salima Skin solutions lagumana darin aalkolo iyo kiimiko toona. Daawooyinka ayaa si buuxda wax uga tara noocyadaan kala duwan ee jirka sida:

  • Jirka wax diida (Sensitive Skin)
  • Jirka saliida leh (Oily / Acne Skin)
  • Gabowga maqaarka jirka

Daawooyinkaan lagu daryeelo maqaarka jirka ee  Salima ay samayso ayaa noqday kuwii ugu horeeyay ee xalaal ah ee laga sharciyeeyo wadanka Canada.

Daawoyinkaan ayaa haatan laga heli karaa dalka Canada oo kaliya balse dhawaanahaan ayaa la filayaa in caalamka oo dhan loo suuq geeyo.

Salima ayaa sheegtay inay go’aansatay inay samayso daawooyinkaan Salima Skin Solutions kadib markii ay aragtay dumarka Soomaaliyeed oo aad u isticmaalaya daawooyinka kiimikadu ku badantahay ee khatarta ku ah caafimaadka maqaarka jirka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *