Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Kalluunka Salmon

Kalluunka salmon, faaiidooyinka kaluunka, malaaygaDhamaan waxaynu wadda ognahay sida xaqiiqda ah in wax kasta uu Allah (swc) uu abuuray ay xikmad iyo fa´iidooyin ay ku jiraan. Taas oo la rabo inaan si fiican uuga faa´iidaysano. Kadibna aanu Allah (swc) aanu uga shukrino nimcooyinka dusheena uu ku manaystay.

Waxaan rabaa maanta inaan isla eegno faa´iidada uu kalluunku u leeyahay jidhkeena iyo walabi sida uugu wacan oo loo cuni karo. Inkastay kaluunada oo dhama ay wadda leeyihiin anfacaad badan oo ay ka siman yihiin, inshaAllah week walbana kaluunada mid kamid ah ayaanu isla qaadaa dhigi. Balse maanta waxaynu ku bibaabanaynaa kalluunka loo yaqaan Salmon. Waana kalluunkan aad sawirka midig ka arkaysid.

Muxuu u fiican yahay?
Wuxuu u fiican yahay kaluunkan marlkeeda hore:

  • Maskaxda
  • Wadnaha
  • Maqaarka
  • Difaaca jidhka
  • Lafaha.
  • Vitamin D

Waxaa uu leeyahay kaluunku dufanka looyaqaano Omega-3. Dufankaas oo ah nooca dufanka jidhka u fiican wax tarkana u leh marka la barbar dhigo sida dufanka xoolaha. Omega-3 waa subaga ka dhasha marka galuunkan la dubo ama la shiilo. Dufanka ayaa waxaa ku jira walxo aad u caawiya ka hortga:

Waxaa kujira protein aad u sareeya oo ka qayb qaata dhisida iyo isku dheelitirida cells ka jidhka oo dhan.
– Waxaa ku jira Marine omega-3 fatty acids, oo ka hortaga wadna xanuunka iyo xanuunada la xidhiidha wadna.
– Waxaa kale oo ku jira wax maadaayin u fiican kobcinta maskaxda. Taas oo kor u qaada , fahanka,xasuusta, iyo waliuba araga indhaha.
– Waxaa kujira kaluunkan Vitamin D, oo ka qayb qaada isku dheelitirka Calsium balance ee jidhka, vitaminkan oo caawiya markaa dhisida iyo daryeelka lafaha.

– Waxaa kale oo kujira Selenium oo ah maado muhiim ah oo ka qayb qaadata inay enzyme yada la dagalaama wixii nadiifinta chemical processes ee jidhka wax yeelo u .

Haddaba intaa aynu kor ku soo sheegnay oo dhan waxaa  dheer in uu dufanka kaluunku ka qayb qaato:
– Dhisida difaaca jidhka
– Daryeelka timaha
– La dagaalanka in maqaarku ku qalalo
– Ka hortaga la dagaalanka xanuunka Cancer ka

Haddaba cilmi baadhistu waxay inoo sheegaysaa in uu kalluunka intaas oo faa´iido leeyahay ee ha moognaan inshaAllah.

Waxaa waliba fiican qofku ugu yaraan 3 cisho wiigii inuu cuno kaluun waliba noocayada dufanka badan leh.
InshaAllah halkan ka baro si yar oo fudud oo aad u karsan kartid cunto isku dheeli tiran oo uu ku jiro kalluunka Salmon

Baarka´Allahufiikum

Umm-Cafiifah

Halkaan ka daawo afur laga samaynayo kalluunka salmon iyo baradhada macaan:

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *