Nooc Shaaha Ka Mid Ah Oo Ay Fiican Tahay In Subaxda Hore La Cabbo Iyo Sababta Caafimaad Ee Dhiirragelinaysa

Caadi ahaan dad badan ayaa jecel inay maalintooda ku bilaabaan koob bun ah oo ay aroorta hore cabbaan iyaga oo aaminsa in koobkaasi uu yahay indho fur iyo in maskaxdu ka soo wada baraarugto hurdadii habeennimo, qofkana ku beero firfricooni iyo in dardar la galo hawlihiisa maalintaas. Laakiin daraasado cilmiya oo bunka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in bunku uu qofka ku sii kordhiyo sakatiga, iyo culayska nafsadeed ee nolol maalmeedkiisa ku lammaan, iyada oo ay sababtu tahay maadadda Caffeine ee bunka ku jirta oo marka ay jidhka gasho kordhisa hormoonnada qofka ku keenadiiqadda iyo culays iyo daal nafsiya.

Haddaba waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in taas beddelkeeda uu qofku subaxda hore cabbo shaaha cagaaran oo ay sheegeen in uu ku jiro xaddi yar oo maadadda Caffeine ta ah iyo ta ka sii muhiimsan oo ah inuu hodan ku yahay maaddooyin saamayn fiican ku leh maskaxda, waxna ka beddesha shaqada iyo firfircoonida, hirarka korontaysan ee maskaxda waxa aanay taasi qofka ku beeraysaa dareen dabacsanaan iyo caajis la’aan ah.

Faa’idooyinka shaaha cagaarani intaas kuma koobna, balse waxa kale oo ka mid ah:

Maskaxda oo uu ka ilaaliyo asaasaqa iyo guud ahaan calaamadaha gabowga:

Shaaha cagaaran waxaa ku jira maaddooyin awood u leh in ay gaadhaan maskaxda oo ay ka hortagaan in barootiintadhibaatada ku keenysaa ay ku ururto, waana sababta ay culimada saynisku u sheegayaan in Shaaha Cagaarani uu ka hortag u yahay isku-dhex daadashadamaskaxda iyo in xusuustu ay yaraato, sidoo kale waxaa ku jira maaddo afka cilmiga lagu yidhaahdo EGCG oo yaraysa mid ka midah xanuunnada ugu khatarsan ee dumarka ku dhaca , kaas oo ah lafo-burburka. Intaas waxaa dheer sida daraasadaha cusubi sheegayaan shaaha cagaaran oo yareeya gabowga maqaarka, kana ilaaliya raadka khatarta ah ee kaga iman kara fallaadhaha qorraxda.

Miisaanka ayuu dhimaa:

Shaaha cagaarani waxa uu gubaa dufanka iyo xaydha jidhka ku ururta, waxa uu dhimaa doonista cutada / Amateedka, arrimahaas oo dhammaantood ka qayb qaata dhimista miisaanka.

Shaaha Cagaarani waxa uu afka ka kaxeeyaa urta aan fiicnayn:

Shaaha cagaaran waxa uu gaar u leeyahay awood dili karta dhammaan bakteeriyada afka ku dhalata, sidaa awgeed waxa uu ka hortagaa in ilkaha uu ku samaysmo lakabka dhagaxa ah, waxa aanu kor u qaadaa caafimaadka cirridka.

Waxa uu ka hortagaa burooyinka kansarka ah:

Cilmibaadhisaha ugu waaweyn ee lagu sameeyey shaaha cagaarani waxa ay isku waafaqsan yihiin in uu yareeyo heerka khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka kansarka.

In kasta oo ay jiraan saynisyahanno kale oo iyagu dood ka qaba in uu shaaha cagaarani awooddaas inta le’eg leeyahay, haddana sida lagu ogaaday daraasad soo baxday sannadkii 2015ka, waxa ay khubarada sayniska badankoodu aaminsan yihiin in shaaha cagaaran uu yareeyo suurtogalnimada in qofka kansar ku dhaco, maadaama oo uu la dagaalamo koritaanka xidhmooyika iyo wasladaha kansarka, haddii ay qofka hayaanna u u diido in ay jidhka ku faafaan.

-Kamaal Marjaan

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *