Maxaa Imaan Kara Haddii Kaadida La Isku Celiyo Mudo Dheer?

kaadida la isku celiyo, kaadi, kaadi haystaMarka kaadida ay qofka qabato waxaa uu si kedis ah ugu cararaa suuliga iyadoo mararka qaarkood dhibaato lagala kulmi karo isticmaalka suuliga caamka ah oo ay dhici karto inuu qofkale ku jiro.

Mudoo intee le’eg ayuu qofku kaadida isku celin karaa? 

Waxay ku xiran tahay cabbirka kaadi-haysta qofka, qadarka kaadida ku jirta, biyo cabbista, iyo awoodda kaadi isku celinta. Ragga ayaa badanaa xajin og marka loo barbardhigo dumarka.

Kilyaha ayaa soo saaro kaadida, waxaana lagu kaydiyaa kaadihaysta inta aan dibadda loo soo deyn, Marka kaadi haystu buuxsanto waxay fariin u dirtaa maskaxda si ay ugu sheegto inay doonayso inay kaadida sii deyso haddii kaadi dheeraad ah lagu soo daro kaadihaysta, haddana dareen in aad kaadisid ayaa dareemaysaa, haddana waad isku celin kartaa illa ay ka gaarto xad aadan xakamayn karin oo kaadida kaa farabaxsato.

Kadiihaysta waxaa ku wareegsan muruq ay shaqadiisu tahay inuu cadaadiyo kaadida si ay usoo baxdo. Markasta oo kaadihaystu buuxsanto muruqaan quwaddiisa ayaa kororta taasoo faaido noo leh waayo hadii kale kaadidu waxay ku noqonaysaa kilyaha waxayna noqonayaan howl-gab.

Maxaa dhibaato imaan kara hadii kaadida la isku celiyo?

Hadii marwalba kaadihaystu ay noqoto mid buux dhaafta oo kaadida lagu xannibo waxaa jilci kara xajiyaha kaadihaysta maadaama buux dhaafka ay samaynayo uu u kala bixinayo sida buufinta.

Kaadidu waxay ka kooban tahay dheecaano yaryar oo isku tagay kuwaas oo jirku uusan u baahnayn. Hadii kaadida la isku celiyo waxay waqti siinaysaa in bakteeriyadu ay ku taranto kaadihaysta sidaa darteed waxay khubarada caafimaadku ku taliyaan inaan si joogto ah la iskugu celin kaadida.  Marka qofku kaadsho waxaa jirka kasoo baxa bakteeriyo iyo jeermisyo jirka ku nagaan lahaa hadii kaadida la isku celiyo.

Halkaan ka daawo barnaamijka xogta daahsoon oo soo jeedinayo Hussein Kurdi:

Check Also

khatarta dawooyinka waxyeello

Khatarta Dawooyinka iyo Waxyeelladooda

Waxaan naftayda iyo naftiinba la jeclaaday in aan idiin soo gubiyo qoraal gaaban oo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *