Ka tasho arimaha niyad jabka keena…!

niyad jabMarka aad la kulanto dhibaato oo aad garabkaaga ka waydo saaxiib kula wadaaga murugada, kaalana dabaasha masiibada, niyad jab dheh

-Marka eraykasta iyo ficil kasta oo kaa yimaada loo fasirto xumaan, niyad jab dheh

-Marka la dafiro deeqsinimadaada iyo waxtarkaaga, niyad jab dheh

-Marka cimrigaagu tago adiga oo aan inyarna ka gaadhin riyadaadii, niyad jab dheh

-Marka aad si fudud u waydo waxii aad mudada badan ku soo tabcaysay, niyad jab dheh

-Marka uu ku khiyaameeyo qofkii dad kuugu xigay, niyad jab dheh

-Marka aad la kulanto saaxiib aanad mudo arag, xiisana aad u qabtay la kulankiisa balse uu magacaagiiba garanwaayo, niyad jab dheh

-Marka dhabarka lagaa wareemo ee aad ogaato qofka ku dilay inuu yahay ehelkaa, niyad jab dheh

-Marka aad aragto duni qofkaad u jeclayd oo dareenkaaga kalkacal ka maadsanaya, niyad jab dheh

-Marka qofkii aad dunida ugu jeclayd kuu cadeeyo in aanad agtiisa wax qiima ah ku lahayn, niyad jab dheh

-Marka lagugu tuhmo waxa aanad gaysan dadkoo dhamina isugu markhaati furo in aad samaysay, niyad jab dheh

Check Also

Shaqsiyad Wanaagsan

3 Arimood oo ka qayb-qaadan karta in aad dhisato Shaqsiyad Wanaagsan

1. Marnaba habalan qaadin waxa aadan oofin karayn: Waa muhiim mararka qaaar in aad naftaada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *