Ka Hortaga Cudurka Macaanka

cudurka macaankaXanuunka macaanka ayaa siyaabo kala duwan u haya dadyow badan oo dunida ku nool kuwaasi oo qaarkoodna ula nool yihiin si taxaddar leh kuwona joogaan marlaxado bilow ah halka qaar kalena u si daran ugu baahay oo irbado joogta ah jidhka ugula daalaan maalin walba.

14 bisha November ayaa ah maalinta loo aqoonsaday in ay noqoto maalinta macaanlayda aduunka maadama uu dhashay ninkii u horeeyey ee soo saaray irbada ama dawada lagu dabiibo kaadi macaanka oo magaciisa la odhan jiray Frederick Banting oo ay ka wada shaqeeyeen ninka isna la odhan jiray Charles Best, waxaanay soo saareen dawada sanadkii 1922-kii

Xanuunkan ayaa la aaminsan yahay in uu hayo tiro ku siman 365 Million oo ku filiqsan daafaha dunida oo u dhiganta 8% oo kamida bulshada ku nool aduunka.

Macaanka ayaa inta badan waxa sababa cuntada aynu cunno ee u badan carbohydrates ee aan dheelitirnayn halka isticamaalka sonkorta saayidka ahina ay sii kordhiso halis u ahaanshaha in cudurkani u ku haleelo taasi oo wacyigelinteedu ay aad ugu liidato bulshada aynu ka soo jeedno.

Astaamaha lagu garto xanuunkaan waxaa ka mid ah, Harraad badan, kaadi badnaan, awood darro, aragti caad leh, miisaankaaga oo xawli isku dhima iyo gaajo joogto ah.

Waxa lagugula talinayaa inaad ku dedaasho  QURAACDA oo ah cunto muhiim u ah habsami socodka sonkorta jidhkaaga! iyo sidoo kale in aad jimicsiga noocyadiisa kala duwan waxkamida ku dedaasho.

Halkaan hoose ka daawo muuqaal wacyigelin ah oo ku saabsan cudurka macaanka oo ay Hafza Hassan nala wadaagayso:

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *