Ka Faaidayso Xikmado Dhaxalgal Ah

1. Geedka waxaa lagu qiimeeyaa miraha ama harka uu bixiyo, bini’aadanka waxaa lagu qiimeeyaa ficilada ay sameeyaan. Camalka wanaagsan marnaba ma khasaaro; Qofka beerta aadaab & hab dhaqan wanaagsan wuxuu gurtaa miraha xushmada iyo jaceylka dadka u hayaan

2. Ka fogow Xanaaqa, adiga keliya ayay ku dhaawacaysaa. Maxaad la caroonaysaa? Hadii aad saxsan tahay looma baahna in aad carooto, hadii aad qaldan tahay xaqba uma lihid in aad xanaaqdo

3. Qaladka ugu weyn dadku sameeyo inta badan waa; waxay dhageystaan kala bar, waxay fahmaan rubuc, waxay sheegaan laba jibbaar wixi ay maqleen ama dhacay

4. Caqabaduhu kuma joojin karaan, Dhibaatada kuma joojin karto, Dad wax kaa sheegay kuma joojin karaan, adiga keliya ayaa naftaada joojin kara oo dib u dhigi kara

5. Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay banaanka soo dhigaan wixi kaa qaldan, sababtoo ah ma xamili karaan mana aqbali karaan wanaaga iyo waxa saxda ah ee aad sameynayso

6. Marnaba aad ha uga fakirin wixi tagay, waxay kuu keenaysaa murugo. Aad ha uga fakirin mustaqbalka, waxay kuu keenaysaa welwel iyo cabsi. Ugu noolow Maantadan adigoo dhoolacadeynaya, waxay kuu keenaysaa Farxad iyo Rayn-rayn

7. Goortii Maskaxda iyo jirka qofku daciif yahay, xaalad kasta waxay ku noqotaa dhibaato, Goortii maskaxda iyo muuqaalka jismiga qofku xoogan yahay, xaalad kasta waxay u noqotaa fursad

8. Maseyr yar waa u caafimaad xiriirka.. way wanaagsan tahay had iyo jeer in aad ogaato in qof ka baqayo in uu ku waayo

W/D: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *