Ka Faaidayso Talooyinkan Dahabiga Ah

Ramadaan,soonka1. Ramadaanku ma aha mid la isaga dhimo Miisaanka Jirka, ee waxaa la isaga dhimaa Dambiga iyo xumaanta. U niyeyso in aad Alle keliya u soomayso, Alle keliya u cibaadaysanayso. Ka fogow wax kasta oo Ramadaankaaga burin kara

2. Hagaaji Qalbigaaga, Wuxuu Qalbigaagu hagaajin doonaa Maskaxdaada, Waxay Maskaxdaaduna hagaajin doontaa Carabkaaga, Wuxuu Carabkaaguna hagaajin doonaa Noloshaada, Waxay Noloshaaduna hagaajin doontaa Aakhiradaada

3. U caabud Alle sidi in aad arkeyso, ka cabso Alle meel kasta aad joogto, U tuko si Qushuuc leh, U hadal si dabacsan, U soco si degan, U cun si dheelitiran, Seexo in kugu filan, U labiso si wanaagsan, U dhaqan si akhlaaq leh, U shaqee si adag; Waxaad helaysaa hab nololeed hagaagsan

4. Dunidan aan ku noolnahay ma aha goob Nasasho, waa goob Imtixaan, waa meel lagu kala saaro kuwa si dhab ah u nool, dhib kastana ku sabura iyo kuwa u nool si dhalanteed iyo dheel-dheel ah. Ha ku lumin waqtigaaga baashaal iyo madadaalo, ka digtoonow la jooga saaxiibada xun, la soco dadka wanaagsan oo aad wax ka kororsaneyso. U shaqeyso daarta dambe ee lagu waarayo

5. Bisha Ramadaan waxaa la xiraa Sheydaanka, waxaa la furaa Albaabada Janada. Haddii qof Muslim ah is bedeli waayo, Cibaadada Alle badin waayo, uu sii wado in uu Xumaan sameeyo waxa qofkaa heystay ma aha Sheydaan ee waa Naftiisa oo uu ka adkaan waayay, sheydaana ku noqotay

6. U Noolow Noloshaada sidi in Maalin kasta ay tahay Ramadaan, Aakhira ayaa kuu noqoneysa Iid.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *