Jimicsiga Yoga Iyo Difaaca Jirka

Jimicsiga oo dad badan aminsanyihin inuusan murqaha oo kaliya dhisan laakinse si wanaagsan u caawiyo dhamaan xubnaha ba’ni adaamka.

Jimicsiga Yoga oo badana loo isticmaalo in walwalka iyo walaaca badan leyskaga yareeyo hadaan lugu baabi’inba. Jimicisigan oo aad si fiican u barata wuxuu kugu cawiyaa in jirkaaga caafimaad buuxa had iyo goor yeesho. ‘Thymus’ oo ah xubinta u xil saaran difaaca jirka, Thymus ayaa ka difaaca jirka waxyaabaha qatarta ah. Hadaba jimicsigan gaarka ah oo aad sameysa waxey kugu cawineysa in firficooni zaa’id ah yeelato xubintas.

Nooca Yaanyuurta:jimicsiga yoga
Jilbahaaga iyo gacmahaaga dhulka dhig sida ilma guurguuranya oo kale markas isku day inaa dhabarkaga kor u taagtid adoo godaaya isla markaasna. Markaas tartiib u neefso adigoo feerahaaga dabcinaya markad neefsaneeysid. Tan waxay kugu cawinaysa in si fiican laf dhabarkaaga u kala baxdo. Hada fahantay qaabkan waxa u jimicsada bisada.

Fadhiga Libaaxasphinx pose
Lugahaaga fidi gacmaahagana sida libaaxa u fariiso u fidi adigoo calooshaada dhulka ku dhajinaya madaxagana toosinaya sida kor ka muqata. Sidan ku sugnow ilaa aad neefsatid 12 – 15 jeer. Sidaani waxay aaminsanyihin dadka ciyaara jimicsigan in ay baabi’iso tabar darada ay sababan cudurada.

Qaabka BuundadaBridge_Pose
Dhabarkaga ku seexo adoo jilbahaaga kor u taagaya gacmahaagana toosinaya sida sawirka kor ka muuqata. Kabacdi dhabarkaga ka qaad dhulka adoo xoogsanaya gacmaha islmarkasna gacmaha dhulka ku haynaya. Sidan ku sugnow ilaa 12-15 mar oo aad si fiican u neef qaadatid. Jimicsigan waxuu u jimcinaya xabadka, qoorta, iyo laf dhabarka, isla markaasna ka yareynaya walwalka iyo tabardarada ka timaada jimicsi la’aanta.

Xabad Jabismaxresdefault (2)

Sida shiikhii u fariiso adigoo toosinaya dhabarkaaga tartiibna u neefsanaya waxad riixda xabadkaaga meesha kala barta. Meeshas ayaa ku aadan xubinta difaacda jirka ‘Thymus’. Riix ilaa mudo 2 daqiiqo ah.

Xigasho: Qalanjo

Check Also

liin dhanaanta

Liin Dhanaanta Oo Dawo Ka Ah Buurnida Iyo Xanuunada Laga Qaado

Liin dhanaanta iyo liin-macaanta oo can ku ah faytamiin C-ga, loona adeegsado in la isaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *