Jimicsiga iyo Cuntada Nidaamsan Ee Caafimaadka Leh Waxay Wanaajiyaan Taranka Dhalmada Ee Dumarka

jimicsiga tarankaDaraasad cusub oo Mareykan ah ayaa shaaca ka qaaday in jimicsiga iyo miisaanka oo yaraada ay wanaajiso shaqada abuurka taranka ee dumarka, gaar ahaan kuwa ay ay hayso dhibaatada loo yaqaano( polycystic ovary syndrome) ,oo ah dhibaato lasoo darista hormoon ka oo inta badan sababta madhalaysnimo.

Daraasadan ayaa waxa ay muujisay jimicsiga iyo raacitaanka cunto nidaamsan oo caafimaad leh in ay wanaajin karaan taranaka dhalmada ee haweenka dhibaatadani ( polycystic ovary syndrome) ay hayso.

Barre Richard oo kamid ah jaamacadda Pennsylvania ee Maraykanka ayaa sheegay in dhibaatada (polycystic ovary syndrome) ay tahay sababta ugu weyn ee ugu badan ee madhalaysnimada u keena dumarka, waxana ay dhacdaa marka jidhka haweenaydu uu soo saaro hormone ka “testosterone”ka ee labka oo aad u tiro badan iyo hormoonada kale.

Wuxuu intaa ku daray in isku dheelitir la’aanta hormoon ku ay keeni karto khalkhal/wareer ku dhaca caada-bileedka ama maqnaanshaha, miisaanka oo kordha, finan iyo timaha xad-dhaaf ah oo kasoo baxa wajiga iyo jidhka.

Waxaa xusid mudan in daraasadan lagu faafiyay majaladda science ke ee loo yaqaano “Endocrinology and Metabolism” cadadkeedii u dambeeyay.

Xigasho: Asharq Al-awasat

Check Also

dhimista miisaanka

8 Cunto Oo Si Weyn U Caawiya Dhimista Miisaanka Iyo Kobcinta Caafimaadka

Buurnimada iyo miisaanka inta dabiiciga ah ka badani waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka caafimaad …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *