Sababaha Keena Jeex Jeexa Maqaarka Jirka (Stretch Marks) Iyo Hababka Loola Tacaalo

Dildilaaca jirka ama ‘Stretch Marks’  waa diilmo kasoo baxa jirka inta hoose, naasaha, gacamaha inta kore, canjirada, iyo kubka. Dildilaaca jirka ayaa badana lagu arka haweenka uurka leh waliba bilaha dambe ay uurka leeyihin.

Strech Marks ayaa midabo kala duwan iska leh taasoo ku xiran qofka midabkisa.

Calaamadaha lagu garto Jeex Jeexa Maqaarka?

Dildilaaca jirka kuligood ma isku eka, waxey ku xiran yihin intey jirkaga ku yaaleen, waxa sababay iyo meesheey kasoo muuqdaan. Sidoo kale nooca jirkaga ayey ku xirantahay, noocyada waxa ka mid ah:

  • Xariijimo ama diilmo aad gacanta ku dareeme kartid.
  • Midabo kala duwan sida gaduud/casaan khafiif ah, gaduud/casaan iyo gaduud-baluug ah.
  • Diilimo ka cad midibka korkaga.

Goormaad dhakhtar u tagi kartaa?

Dhakhtarkaga u tag hadaad u baahantahay inaad ogaatid sababta kaliftay iney kasoo muuqdan xariijimahan korkaga. Waliba waxa haboon inaad u tagtid dhakhtar oo tustid hadeey mudo dheer kugu yaaleyn si u kaga daweeyo.

Maxa sababa?

Stretch Marks ama dildilaaca jirka ayaa sababa jirka ama maqaarka bin’i aadamka oo kala baxa. Sido kale dildilaaca jirka ayaa noqon kara mid xad dhaaf ah marki ay la xiriirto maadada cortisone, kasoo ah hormoonada adrenal glands ‘qanjirada adrenal’ sii daayaan. Cortisone ayaa tabar beeliya ama dabciya xarkgaha isku hayaa jirka ‘elastic fibers’.

Dildilaaca jirka ayaa sababaan xaaladaha hoos ku xusan:

  • Uurka: Dumarka ayaa jirkooda dildilaaca kasoo baxa markey uur yeeshaan, tasoo sababto marku jirkooda fido ama kala baxo waliba caloosha iyo naasaha.
  • Culeyska zaa’idka ah: Culeys marku qofku ku siyaado ayaa dhacda in jirka kala baxo oo fido taasna waxey keenta in xariijimo ka muuqdan jirka.
  • Daawoyinka qaarkood: Kareemada qeebtood iyo daawoyinka cudurada joogtada ah loo cuno ayaa sababa dildilaaca jirka.
  • Xaalado ama cuduro: Xaalada Cushing iyo dheecanka adrenal ayaa sababa dildilaacyo aad u baahsan oo waweyn, sidoo kale xaalada Marfan iyo hiddo ‘genes’ leyska dhaxlo.

See iskaga daaweyn karaa?

Inkastoo dildilaaca jirka aysan laheyn wax xanuun ah, hadaba ma doonaan daawooyin in loo cuno si leyskaga daaweyo. Hadaad u baahatid inaad iska daaweysid, daaweynta ayaan aheyn mid kaa wada baabi’ineysa xariijimada gabi ahaan. Daawooyinka aad isticmaali kartid waxa ka mid ah:

Tretinoin cream: waa boomaato aad marineysid jirka kasoo isku ekeysinaya jirkaga caadiga ah iyo xariijimaha cusub. Tretinoin kareemada ah ayaan loo isticmaalin hadey xariijimaha kugu yaaleyn mudo ka badan 6 bilood, taasoo aan ku shaqeyneyn.

Magacyada kale oo kareemkan ayaa ah ‘Altinac, Atralin, Avita, Obagi, Refissa, Renova, Retin A Micro, Retin-A, Retin-A and Renova, Retisol-A, Stieva-A, Stieva-A Forte, Tretin-X, Vitinoin’

Saliida: sidoo kale waxaad iskaga yareyn kartaa xariijimahaas adoo marsanaya saliidaaha: avocado oil, sunflower oil iyo castor oil saliidahaan ayaa si dabiici ah kaga yareyn kara xariijimahas. ogow ma jirto wax ama daawo kaa bi’in karta diilmahas oo jirta haatan.

Laser: iskaga baabi’inta aalada laser-ka kasoo baabinaya diilmaha balse aad qaali u yahay.

Lotion: lotion waxa jira lagu gado farmashiyaasha kasoo kaa dhimi kara xariijimaha, Palmer’s cacoa butter ayaa ah mid caan ah oo farmashiyaha aad ka heli kartid iyo dukaamada alaabta leysku qurxiyo lagu gado.

Ka hortag

Ma jirto qaab aad iskaga difaaci kartid dilaaca jirka xata hadaad kareem iyo saliid marisid jirkaga. Halka siyaabo aad u yareyn kartid halista in jirkaga dildilaaco waa inaad culeyska jirkaga dhowrta oo aaney culeys badan kugu siyaadin. Jimicisiga iyo cunto caafimaad leh adoo cuna ayey ku xirantahay.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *