Siyaabaha Loo Daawayn Karo Qallaylka Iyo Jeexjeexa Cagaha

Waa Maxay Caga Qallayl iyo Jeexjeex?

Maqaarka lugaheena caadiyan wuu ka duwan yahay maqaarka jirkeena oo kale, eebe uma samayn qanjirrada saliidda soo daayo saas awgeed waxay cagta ku tiirsan tahay kumanaan qanjirrada dhididka ah.

Haddii marka ay jirto cillad saamaynayso qanjirrida dhididka ee lugaha waxay keenaysaa caga qallayl iyo inay jeexjeexmaan.

Dadka uu aad ugu badan yahay cago qallaylka iyo jeexjeexa waa dadka macaanka / sokorowga qabo, dadka jimicsiga ciyaaro ama aadka u lugeeyo iyagoo kabo furan qaata.

Qallaylka cagaha waxay noqon kartaa xaalad ku meel gaar ah oo iska baab’i karto dadka qaarkiisne way ku dheeraan kartaa oo muddo ayay ka sheegtaan.

Inta badan waxaa jira calaamado la socda caga qallaylka aan caadiga ahayn waxaana ka mid ah faruurac ama nabro ka soo yaaco,  cuncun, midabka oo isbadala, maqaarka oo fiiqfiiqmo, dildillaac dhiig yeelan karo,

Maxaa keena cago qallaylka iyo dildillaaca?

  • Adigoo si joogto ah ugu qubeysto ama ugu dhaqdhaqdo biyo kulul
  • Isticmaalka saabuunada qalleelka keeno
  • Xanuun qaar sida thyroid, sonkorow. cambaar ama Psoriasis
  • Qabowga iyo dabaysha
  • Xafiisyada cubka ah ee mukayafyada leh
  • qofka oo miisaankiisu aad u culus yahay
  • Duqnimada
  • Istaagga badan
  • Qoraxda oo wax badan isku dhigtid

Waxyaabaha aad samayn karto oo aad kaga hortagi kartid kor-qallaylka waxaa ka mid ah:
1- Adigoo isticmaala kareem ama wax maqaarka subkiyo sida Vaseline-ta markaa qubaysatid ka dib.
2- Adigoo ku qubaysatid saabuunnada korka subkiya ama dufanka leh si jirka uusan kuu qallalin.
3- In aad biyo kugu filan aad cabtid,

Waxyaabaha dabiiciga ah ee lagu xallin karo cago qalaylka:

  1. In aad cagaha dhaxdhigtid biyo liin lagu daray muddo 10 daqiiqo ah, tani waxay kaa saacidaysaa in qolfaha dhintay ee cagta in ay kaa nadiifiso, kuwa kalane ay jilciso, markii aad biyaha ka soo bixiso 10 daqiiqo ka dib, cagaha ku xoq shukumaan nadiif ah si qolfaha uga kacaan. Ogow haddii dildillaaca uu gudaha gaarsiisan yahay cagta waxay keeni kartaa xanuun badan markaa isticmaashid liinta.
  2. Saliid saytuun iyo liin qolofteeda leh isku shiid, waxaa ka soo baxayo kareem aad lugaha marsan kartid oo la dagaallamayo qallaylka iyo jeexjeexa.
  3. Waxaad isticmaali kartaa kareemka Vaseline-ka oo dabiiciga ah oo aan la carfin ama daawo kale lagu darin, waxaadna marsataa markaa jiifanaysid
  4. Ka fogow isticmaalka kareemyada badan, waxaa dhici karto in aad allergy ku tahay oo dhibka uu keenay isagaba ama kaaga sii daro
  5. Qubeyska xad dhaafka ah ama dabaasha joogtada ah weliba biyaha badda waxay keenaan kor qallayl waa in aad iska yaraysaa ama biyo macaan aad ka daba marisaa qubeeska
  6. Haddii aad dhul qabow ku nooshahay, iska fogey heater-ka oo ha ag jiifanin

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *