Jeex-Jeexa Maqaarka (Stretch Marks)

jeex-jeexa maqaarka stretch marksJeex-jeexa jirka waa diillimo badanaa kasoo muuqda caloosha, waxay kaloo kasoo bixi karaan bowdyaha, barida,  naasaha iyo gacmaha qeybta kore. Diilimahaan ayaa inta badan lagu arkaa dumarka uurka leh.

Maxay yihiin calaamadaha lagu garto?

Jeex-jeexa inta badan iskuma eka, waxay ku xiran tahay sababta keentay midabka jirkaaga iyo nooca jirkaaga. Noocyada jeex-jeexa waxaa ka mid ah:

  • Xarriijimo aad gacantaada ku dareemi kartid.
  • Xarriijimo ama diillimo ka cad midabka maqaarka jirkaaga
  • Midabo kala duwan

Sababaha keena Dildilaaca jirka:

  • Uurka: Dumarka ayaa jirkooda dildilaaca kasoo baxa markey uur yeeshaan, taasoo sababta marku jirkooda fido ama kala baxo wwliba caloosha iyo naasaha.
  • Culeyska badan: Culeys marku qofku ku siyaado ayaa dhacda in jirka kala baxo oo fido taasna waxey keenta in xariijimo ka muuqdan jirka.
  • Dawoyinka qaarkood: Kareemada qeebtood iyo daawoyinka cudurada joogtada ah loo cuno ayaa sababa dildilaaca jirka.
  • Xaalado ama cudurro: Xaalada Cushing iyo dheecanka adrenal ayaa sababa dildilaacyo aad u baahsan oo waaweyn, sidoo kale xaalada Marfan iyo hiddo ‘genes’ leyska dhaxlo.

Waxaa jira waxaa jira waxyaabo dabiici ah oo lagu yareyn karo muuqaalka jeex-jeexa jirka.

Castor oil:

Saliidaan oo loo isticmaalo in lagu daweeyo dhibaatoyinka maqaarka sida duuduubka wajiga, calaamadaha gabowga, dhibcaha madmadow, burooyinka iyo finanka ayaa sidoo kale loo adeegsan karaa in lagu daweeyo jeex-jeexa jirka. Waxay si fudud kaaga yareyn kartaa diillimaha.

  • Marso saliida Castor oil goobaha dildilaaca leh, si tartiib ah ugu taliig mudo 5 ilaa 10 daqiiqo ah.
  • Maro suuf ah kula xir. Korka uga salaax dhalo aad biyo kulul ku shubtay.
  • Habkaan samee maalin kasta ugu yaraan mudo 1 bil ah si aad u aragto natiijo wanaagsan.

Dacarta (Aloe Vera):

Dacartu waxay  caawin kartaa daweynta jeexjeexa jirka.

  • Marso jeelka dacarta meelaha jeex-jeexa leh, 15 daqiiqo kadibna biyo diirran kaga mayr.

Ukunta Qeybta Cad:

Ukutu waxay qani ku tahay borotiin iyo aashito.

  • Si fiican u nadiifi meelaha diillimaha leh, marso ukunta qeybta cad.
  • Sug ilaa ukuntu ay ka qallalayso dabadeedna biyo cad iska raaci.
  • Ugu dambeyn marso saliid saytuun si jirku u qoyanaado.
  • Ku celceli qaabkaan maalin kasta ugu yaraan mudo 2 toddobaad ah.

Casiirka liin dhanaanta:

Liin dhanaantu waxay leedahay aashito dabiici ah oo caawisa daweynta iyo yareynta dildilaaca jirka, finanka iyo nabraha kale.

  • Si tartiib ah ugu xoq casiirka liin dhanaanta goobaha xarriijimaha leh. Sug 10 daqiiqo dabadeedna biyo diirran iskaga mayr.

Baradhada

Baradhada waxaa ku jira fiitamiino iyo macdano kobciya koritaanka iyo dib usoo celinta unugyada jirka.

  • Ku qoq Jeex baradho khafiif ah meesha xarriijimaha leh.
  • Sug ilaa casiirka baradha uu ka qallalayo kadibna biyo diirran iskaga mayr.

Saliida saytuunka (Olive oil):

Saliidaan waxaan ku jira nafaqooyin badan iyo madooyinka jirka sunta ka saara kuwaas oo caawiya dhibaatooyinka maqaarka sida dildilaaca ama stretch marks.

  • Ku daliig saliid saytuun diirran goobaha dildilaacu saameeyay. Tani waxay caawinaysaa wareegga dhiigga waxayna yareynaysa stretch marks ka.
  • Udaa mudo nus saac ah si jirku u nuugo fiitamiinnada A, D iyo E  ee ku jira saliidaan.

Check Also

biyaha bariiska, jirka iyo timaha, qurxinta

Ahmiyada Biyaha Bariiska Ay U Leeyihiin Jirka Iyo Timaha Dumarka (TIJAABO CILMI AH)

Bariisku waxuu cunto dhaqameed u yahay qeybo ka mid ah dunida, gaar ahaan wadamada Asia …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *