Isticmaal Maskaxdaada W/Q: Ciise (Waddani)

Muhiimadda aad u nooshahay maaha waxyaalo tiro badan oo ku hor yaala, kuwaas oo werwer kugu keena xilliga aad u diyaar garoobayso inad fuliso, balse waa inad fahanto oo keliya inay dhamaan faracyada noloshaadu kasoo fulaan hal xubin taasoo tamarteedu ku xidhantahay hadba sidad ula dhaqanto iyada.

Maskaxdu waa qayb ka tirsan qaybaha kala duwan ee Eebe u qaybiyay jidhka aadamaha, waa xarunta iyo xafiiska ay kasoo baxaan qorshayaasha nolosha, isla markaana qaybisa wax soo saarkeeda ee qalad iyo sax u kala saarta.

Hadabo mays weydiisay inay maskaxdu tahay wax u sheqeeya si dabiiciya oo jaan go,an isla markaana  ah  qaab shaqo oo aan la bedeli Karin, iyo inay tahay mid u shaqeysa hadba sidad u isticmaasho?, jawaabta su,aashaasi waa waxa aynu isku dul taageyno qormadan kooban, ee ciwaankeedu yahay Isticmaal Maskaxdaada, inagoo soo qaadaneyna….qodob oo keliya si aanu qoraalku u daba dheeraan.

  1. Maskaxdu waa laba qaybood; qof kasta oo aadame ah wuxu leeyahay wax lagu magacaabi karo xasuusta fog, iyo xasuusta dhaw, xasuusta fogi waa midda ku xasuusisa waxad baratay yaraantii, dhacdo kusoo martay wakhti aad u fogaa, hadal ku saameeyey oo qof kugu yidhi beri, iwm, xasuusta dhawna waa midda aad xasuusantahay nooca cunto ee aad maanta ku qadeysey, mid ka mid ah dadkii aad wacday, qaabka jawiga suuqu ahaa maanta,iyo waxyaalo la hal maala, oo si ku meel gaadh ah maskaxda ugu keydsan, kuwaasoo laga yaabo inad si fudud u ilawdo ama ay keyd ku noqdaan maskaxda oo sammaan dheer aad sii xasuusnaato, hadabo waxyaabaha maskaxdu keydiso ee xasuustoodu aaney kaa guurin waxay ku xidhanyihiin sidad u isticmaasho,waxaaney u badanyihiin waxyaabo mudda badan lagu celceliyay, ama kugusoo noqnoqday, oo waad xafidsanaataa ama halkaas ayaad ku dhaaftaa waanad ilawdaa, sidaa darteed waa in muhiimaadka aad rabto inad xafido aad ku celceliso si ay rasmi ugu ahaadaan maskaxdaada oo aad u isticmaasho inta aad jirto.
  2. Muga maskaxda; maskaxda qofku waa mid xubnaha kele ee jidhka la wadaagta daalka iyo dareenka, waxay u baahantahay hurdo ku filan, cunto dheeli tiran, iyo carbin joogta ah,hadii maskaxda laga haqab tiro daryeeladan aynu sheegnay waa mid qaadi karta waxad ku xafido intad nooshahay oo dhan, mana aha wax leh mug xadidan sida device-yada tignoolajiga ee macluumaadka qaadaa u yihiin kuwo ku buuxsamaya tiro files ama folders ah oo cayiman, iyo lanbar la yaqaano.

Muhiimada qormadan kooban micneheedu wuxu yahay wax kasta waad baran kartaa, wax aad u badanna waad xafidi kartaa, balse waxay taasi imanaysaa markad aaminto inay maskaxdaadu awood u yeelanayso sidad u isticmaasho ee uga shaqeysiiso una daryeesho, dadaal badanna aad u hurto.

Qalinkii: Ciise Maxamuud Geelle (Waddani)

Ciisemaxamuud5@gmail.com

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *