Isku day in aad u Hadasho si Xikmadaysan !!

Ugu horrayn waa maxay xikmad ( xikmah) ??

Sheikh Ahmed Deedat ( Alle s.w.t naxariistii janno haka waraabiyee ) waxa uu yiri :

” Xikmadu macnaheedu waa in aad iska ilaalisaa waxa aad qabanayso iyo waxa aad ku hadlaysaba in aysan abuurin ficil-celin ( ka gilgilasho ),
waayo ficil-celintu sideedaba waxa ay ka hor imaanaysaa dhammaan warbixinada loo gudbinayo Bani aadamka ” .

Hadii aad qof wax u sheegayso isku day waxa aad sheegayso in aysan ku lug lahaan shaqsiyada qofka aad waxa u sheegayso, waayo hadii waxa aad sheegayso ay ku luglahaato cida aad waxa u sheegayso waxa aad abuurtay Ficil-celin oo waxaa dhici karta adigoo wax wanaagsan u sheegaya qofkii hadana in uusan waanada kaa dhagaysan sababtoo ah hadii waanadaadu aysan xikmadaysnayn waxa ay abuuraysaa ficil-celin , Hadii mar ficil-celin ay timaadana waxaa adkaanaysa in waanada lagaa qaato .

Tusaale yar :

Qof ayaan doonayaa in aan ka waaniyo Cabista Sigaar , Hadaba si aan iskaaga ilaaliyo in aan abuuro ficil-celin iiga

imaada qofka aan waaninayo waa in aan ka hadlaa macluumaadka ku saabsan waxa aan ka waaninayo qofka , waliba aniga oo ka taxaddiraya in aan weeraro qofka shaqsiyadiisa qaaska ah , Tusaale .

” Sida aan wada ognahay Sigaarku waxa uu udaran yahay Caafimaadka iyo Dhaqaalaha bani aadamka, Dhahaqaatiirtuna waxa ay sheegeen in uu keeno cimri deg-deg iyo in laga qaado cudurka kansarka oo inta badan loo dhinto, Cilmi baaris lasameeyay waxa ay sheegaysaa in kabadan 6 milyan oo dad ah in ay u geeriyoodaan sanad waliba cabista sigaarka , waxay kaloo sheegeen qubaradu marki lagaaro sanadka 2030 tirada u dhimanaysa sigaarka in ay gaari doonto 8 milyan sanadkiiba, Hadaba waxaan rajaynayaa in aad tixgeliso waanadayda oo aad iska dayso cabista sigaarka maxaayeelay waxaan kula jeclahay noolal wanaagsan iyo caafimaad dhamaystiran … IWM ”

Ula jeedku waa in aad ka hadashaa dhibta ay leeyihiin waxa aad qofka ka waaninayso waayo marmarka qaar waxaa la arkaa qofka inuusan macluumaad badan kahaysan waxa aad ka waaninayso , sidaa darteed looma baahna in aad ku dheeraato in aad ka hadasho dhibta ay isaga u leeyihiin balse waa in aad qofkii u kordhisaa aqoon uu wax kukala ogaan karo, inuu kaa qaato waanada waa go’aan uu isga leeyahay balse adigu waa in aad qaab xikmadaysan ugu sheegtaa waanada .

Hadba markaan waxaan isku dayayaa in aan tusaale kale idin ka siiyo waanada abuuri karta Ficil-celinta aniga oo isla qofkii ka waaninaya cabista sigaarka

” Ma og tahay sigaarku inuu yahay wax xun oo adiga noolashaada u daran, caafimaadkaaga ayuu u xun yahay, dhaqaalahaaga ayuu u xun yahay oo hadii aad waydo dhaqaale aad ku iibsato waxaad isku da’yaysaa in aad wax waliba u samayso si aad sigaar u hesho , dad aad ka xishoon jirtay ayaad ku dhiiranaysaa in aad shaxaad waydiisato taa waxaa ka sii daran xaaskaaga iyo carruurtaada oo baahan ayaad lacagtaada ku soo iibsanaysaa sigaar , xaaskaaga hadii ay isku daydo in ay kaala hadasho waad ladagaalamaysaa waayo sigaarka ayaad u baahan tahay , ugu dambayntiina sigaarka ayaad u noqonaysaa addoon , taasina waa nacas nimo ee miyaadan caqli lahayn, waa in aad iska joojisaa cabista sigaarka . ”

Dabcan qofka marki aad intaa ku dhahdo hadii uu yahay qof dabeecad adag islamarkiiba wuu kula dagaalayaa hadii uusan kula dagaalamin waxaa la arkaa waanadaada inuu u arko wax aanan jirin waayo waanadaada waxa ay ku luglahaatay shaqsiyadiisa taasi ayaa keenaysa in uusan waanada kaa qaadan, Xaqiiqdii waa arin inta badan dhacda waxaad arkaysaa qofkii oo wanaag sheegaya ayaa hadan cidna dhagaysanayn maxaayeelay waxa uu abuuray ficil-celin .

Run ahaantii hadalku waa hadba sidaad adigu u sheegto marmarka qaar adigoo xaqiiqda ka hadlaya ayaad hadan loo fasiran karaa xumaan ama Aflagaado.

Nin gabyaa ahaa ayaa waxa uu yiri :

” Malabka Shinnidu hadaad doonto waxaad dhihi kartaa waa Matag Shini , Hadaad doontana waxaad dhihi kartaa waa Malab ”

Xaqiiqdu waxa ay tahay Malabka Shinni ayaa matag’ta sidaa awgeed Amaan iyo Caay labaduba wuu lahaan karaa, Hadba sidaad u sheegto ayay ukala wanaagsan yihiin amaba ay ugu kala qurux badanyihiin .

Waayo qofkaad ku dhahdo ma doonaysaa Matag shini ?
iyo qofkaad ku dhahdo madoonaysaa Malab ?

Xaqiidii waa labba hadal oo ulajeedku isku mid yahay balse waxa ay ku kala qurux badanyihiin hadba qaabka aad u sheegayso.

Sababtoo ah Midna waxa uu abuuri karaa ficil-celin midna ma abuurayo.

Sidaa awgeed Ficil-celintu inteeda badan waxa ay imaanaysaa marki aad ka hadasho shaqsiyada qofka aad wax u sheegayso kadibna qofkii uu kuu arko in aad ceebaynayso .

Hadaba hadii aad iska ilaaliso in aysan waanadaadu abuurin ficil-celin waxaa kuu sahlanaan doonta cidkasta in ay waanadaada kaa dhagaysato iyadoo waliba lagu ixtiraamayo.

Sidoo kale hadii aan aragno ruux khaldamay waa in aanan aflagaadayn balse waa in aan si xikmadaysan u waanino waayo hanuunka Allah ( SW ) gacantiisa ayuu ku jiraa ciduu doono ayuuna hanuuniyaa hadii aad aragto ruux sidaad wanaaga u fahansan tahay aanan u fahansanayn u duceey inuu Allah ( SW ) soo hanuuniyo taasi ayaa ah waajibka qofka muslimka ah saaran iyo inuu si deggen ugu naseexeeyo intii uu awoodo , insha allah waxaan rajaynayaa dhamaanteenba in Allah ( SW ) wadada toosan inoo fududeeyo.

Ugu dambayntii waxaan Allah ( SW ) waydiisanaynaa inuu naga dhigo ummad si xikmadaysan wax iskuugu sheegta oo wanaaga is farta xumaantana iska reebta , Aamiin

Fadlan Gaarsii asaxaabtaada si ay uga faa iidaystaan ( SHARE ) Jazakum Allahu khairan .

-DHALINTA-MAANTA

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *