Iska Illow Wixii Dhacay Nolol Cusub Bilow

Nolosha Adduunyada waa iska qariib (nolol-gaaban), isla daqiiqadda aad Uurka Hooyo ku beerantid, ayaa ALLAAH {SWT} kuu kafaala qaadayaa noloshaada adduun iyo midda Aakhiro, balse adigaa lagaa doonayaa inaad qaadid wadiiqada wanaagga kugu hogaaminaysa RABBINA Raali gelinaysa.nolol cusub

Dunidan sideedaba waa imtixaan natiijadiisa aad heli doonto Maalinta Yowmul Aakhira ee aan jirin cid qareen kaaga ah ALLE {SWT} agtiisa, waa adiga iyo ALLAAH, Malaa’iigta Garbahaaga saaran ee loo idmay inay kala soocaan wixii camal ah oo aad samaynayso samaan ama xumaan intaba ayaa sidoo kale kugu marqaati furaya.

ALLAAH {SWT} Qur’aankiisa Muqadaska ee Kariimka ah waxa uu ku leeyahay *Jinni Iyo Insi Midna Ma Abuurin Ilaa inay i Caabudaan Mooyee* caabudidda iyo weyneynta ALLE waxaa barbar socda nolol islaami ah oo lagaa doonayo in Umadda Islaamka ahi aad kusoo biiriso caruur xagaaga ka timid oo wax tar u leh Dadka iyo Dunida Muslimka ah hadii uu RABI kugu arzuqo dhallaan xalaal ah.
Waxaad arkaysaa had iyo jeer Dhallinyaro Soomaaliyeed (Wiilal/Gabdho) oo ay ku adag tahay inay ka tanaasulaan oo ay illaabaan arrin horey usoo martay, islamarkaana lagaba yaabo in dhacdadaasi hore iyo xanuunka ay ku reebtay darteed ay ku noolaadaan nolol keli-noolaansho ah oo muraayado madow (Pencel) lagu dahaaray.

Waxaan taa ula jeedaa, waxaa jira Dad ay nolosha adduun Buundo xun la kortay (Nasiibku uu ka hiiliyey) oo ay la rogmatay rajo ay ka lahaayeen nolosha adduun, sidaasi darteedna ayba ku adag tahay inay dadka kale ee asaagooda ah wax la wadaagaan oo ay u ololeeyaan nolol cusub, iyagoo maanka ku haya wixii horey usoo maray.

Bal eeg tusaale gaaban, waxaa dhici karta Lamaane Jaceyl-wadaag ahaa oo waqtigii ay mideyn lahaayeen noloshooda ay caqabado baas hareeyaan mustaqbalkooda, taasina ay kalifto kala tag iyo tafaraaruq muddo gaaban ku dhasha oo kala geeya nolol isku dhuux noqotay, waxay taasina dhalisaa in dadka qaar ay waali ama inay isla hadlaan bilaabaan, ama ayba go’aansadaan inaysan nolol kale samaynin, sidoo kale Lamaanaha qaar marka ay is guursadaan ka dib ayaa waxaa asiiba nabaro-awlaad la’aan ah oo ALLE {SWT} agtiisa ka ahaatay, qaar baa kala taga maadaama aysan Ubad kala halaynin, qaarna way isku cimri-dhamaystaan intay nafta ku jirto. daryeelmagazine.com

Culumada cilmiga u saaxiibka ah, ayaa hadaba ku doodaya in haddii muddo sanooyin ah aysan wax awlaad ah imaanin, ay wanaagsan tahay in Lamaanahaasi ay qalbiyadooda oo saliim ah kala-tagaan maadaama ay dhici karto in hadii ruux ka mid ah Labadaasi qofood uu guursado ruux kale oo cusub uu ILAAH {SWT} u sahlo awlaad kheyr qaba oo abaalkooda guda.

Sanad ka hor qiso cajiib ah ayaa jirtay, dad-jaceyl wadaagay oo muddo 35-sano ah awlaad isku dhalin, ayaa si nadiif ah isku furay, Haweeneydii ayaa nin kale guursatay oo nolol cusub gashay, islamarkaana durba Laba mataano ah ka booday, aad ayey ugu faraxday ilmaheeda, seyigeedii horana xaafadda ayuu kusoo booqdaa hadda caruurtaasi isagoo sida awlaadiisa dhabta ah u koolkooliya oo korimadooda kaalin miisaan leh ku leh.

Hadaba tusaalahaasi wanaagsan waxa uu kugu hogaaminayaa in wax walba oo kusoo maray aad ka tanaasuli kartid si aad u bilowdo nolol cusub, balse haku fakarin hadalada qalafsan ee dadka qaar kaaga imaan kara marka ay musiibo adduun ku asiibto ee ALLE (SWT) talo saaro oo bilow nolol cusub, adigoo buuga qalbigaaga ka jeexaya Boggii ay ku xariiqnaayeen wixii horey u dhacay.

By Weriye C/risaaq IndhaJaceyl

Check Also

5 qof oo ay tahay in aadan la saaxiibin

Saaxiibnimadu waa xidhiidh saamayn badan leh oo dhex mara laba qof. saaxiibkaa waxa uu saamayn …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *