Iska Hilmaan wixi hore

Waxay u baahan tahay geesinimo inaad iska ilowdo wixi aad soo martay, wixi ku dhaawacay, wixi ku dhibaateeyay, wixi murugo iyo ciil ku baday, shaqo aad weyday, guri kaa gubtay, xiriir kaa xumaaday, nin kaa tagay, haweenay ku khiyaantay. Waxay u baahan tahay geesinimo in aad iska hilmaanto wixi aad soo martay. Waxay u baahan tahay geesinimo in aad garwaaqsato in wax kasta sabab ku dhacaan aduunkan. Waxay u baahan tahay kalsooni in aad aaminto waxa kaa horeeya inay ka wanaagsan yihiin wixi tagay. Waxay u baahan tahay geesinimo in aad cafiso. Haddii aadan baran in aad dadka cafiso ma faraxsanaan kartid, horay uma dhaqaaqi kartid, had & jeerna murugo & caro ayaad deris la ahaanaysaa. Haddii aad weli gocaneyso wixi aad ka soo gudubtay waxaad waxyeelaysaa nafsadaada, waxaad luminaysaa fursad dahabi ah.

Waa in aad kala doorataa in aad horay u socoto oo nolol cusub bilowdo iyo in aad ku noolaato xusuus wixi aad soo martay iyo ka sheekeyn taariikh tagtay, tani waa go’aan adiga keliya aad gaari karto. Marnaba gacantaada ha ku baabi’in noloshaada. Waxaad u baahan tahay in aad bilowdo nolol cusub, ka bilowdo meesha aad joogto, ku bilowdo waxa aad heysato. Waxaad u baahan tahay in maskaxdaada ka masaxdo maalmo mugdiya aad soo martay si aad ugu diyaariso maalmo nuur badan. Waxaad u baahan tahay in aad nafta ku mashquuliso wax kheyr kuu ah, wax dan kuugu jirto, wax horumar kuu horseedi kara. Waxaad u baahan tahay in aad nafta ka ilaaliso firaaqo badan iyo caajis.

Ha ka quusan nolosha, ha nicin nafta. Noloshu way qurux badan tahay, waa hadiyad qaali ah, waa horu-socod iyo horumar laakiin dhibaatadu waa goortii aad dib eegeysid ma helaysid energy aad wixi hada taagan iyo horay ku eegto. Iska ilow wixi aad soo martay, wixi tagay waa taariikh, ma tir-tiri kartid waxna kama bedeli kartid. Waxay ahaayeen wax qoran, sabab bayna ku dhaceen. Bilow nolol cusub. Alle talo saaro. Waxaan kuu rajeynayaa Guul.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

cudurka baraska

Noocyada Cudurka Baraska, Sababaha Keeno Iyo Dadka Halista Ugu Jiro Inuu Ku Dhaco

Baraska waa cudur kayimaada khalad ku dhacay hidasidaha qofka kaasoo sababa in maqaarka, timaha, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *