Ilaalinta Xuquuqaha Qalinkii: Ciise Maxamuud Geelle (Waddani)

Sida ciwaanka mawduucan idiinka muuqata, ilaalintaada xuquuqeed waa saldhiga iyo unuga helitaanka guusha, runtii waxa lays weydiin karo ee faalada iyo falanqaynta u baahani waxa weeyaan,  maxay tahay xuquuqda la ilaalinayo?

Xuquuqda la ilaalinayaa waa midda ay kugu leeyihiin Naftaada,ILAAHAY S.W.C, iyo rasuulkiisa N.N.K.H, Dadkaaga,Dalkaaga ,Duunyadaada, Iwm, dhamaantoodna waxay kaaga baahanyihiin inad ilaaliso xuquuqda ay kugu leeyihiin.

Gudashada waajibka kaa saaran kasoo bixidda xuquuqahaas hadii aad ku qaabisho nidaamkii qofnimo ee ku haboonaa waxa kaa dhamaan doona caqabadaha kaaga daahan inad ogaato guusha iyo waxay tahay, ama waxad nolosha ku heli kartaa guul wax ku oola.

Hadabo waxaynu taas ka taaban karnaa inaynu sharax ka bixino qaar ka mid ah siyaabaha aad u gudi karto xuquuqda guud ee lagugu leeyahay:-

Xuquuqda Naftaada: Ugu horeyn waxa xuquuq kugu leh naftaada,  naftaada ama noolaanshahaagu waa jidh iyo ruux isku dhafan, jidhka waxa kobciya cuntooyinka nafaqada leh iyo biyaha saafiga ah, iyagaana siiya tamar uu ku dhaqdhaqaaqo kuna guto shaqooyin adag iyo qaar fududba, xanuunka iyo xumaddana waxa ka biiya daawo ku haboon, taasi waxay inay tusaysaa inuu jidhku inagu leeyahay xuquuq ah cunto siin, iyo cabitaan waraabin.

Ruuxduna waxay quudataa cilmiga iyo cibaadada, casharo kala duwan iyo cabsida ALLE, cisyaanka iyo jahliguna wey caateeyaan.

Xuquuqda ALLE: ALLE s.w.c  wuxu xaq kuugu leeyahay in aad noloshaada ku dabakhdo qasdigii iyo qorshihii uu kuu abuuray oo cibaado ah,

inaad qaadato amarkiisa kana reebtoonaato wixii uu kaa reebay adigoo haysta dadyow aadame ah oo tusaale aad ka dhigato kuwaasoo uu kaw ka yahay rasuulkeeni Muxamed N.N.K.H.

Sidaa darteed waa in aad dadaasho wixii awoodaada ah, ALLENA ku barido is dhul dhig ah adoonimadaada iyo daciifnimadaada.

Xuquuqda Dalka Iyo Dadka: Inad raali geliso xaqoodana oofiso dalkaaga iyo dadkaaga waa laba shey oo wada socda, hadaad dadka raali geliso ogow inad dalkana raali gelisay,

Hadabo raali gelinta dadku waxay qaadaneysaa mawduuc  dheer waayo siyaabaha dadka loo raali geliyaa waxay u baahanyihiin qoraal dheer oo wakhtigiisa u baahan, iyo falan qayn fiiradeeda iyo fasiraadeeda xanbaarsan inagu geli mayno mawducaas hadda, laakiin waxa inagaga filan inaynu nidhaahno dadku waxay xaq kuugu leeyihiin inay ka nabad galaan gacantaada iyo carabkaaga, kuwii xaq u yeesha mooyee, waxay xaq kuugu leeyihiin inad saacido ka tag daran, inad booqato ka xanuunsanaya, inad aasto ka dhintay, inad xidhiidhiso ka qaraabada ah, inad xaqdhawrto ka deriska ah, inad raali geliso kaad dhibto, inad u dulqaadato ka ku dhiba, inad ixtiraamto ka kaa weyn, inad u naxariisato ka kaayar.

Gabogabo: Dhamaanten weynu jecelnahay gudashada xaqa ay cid kastaaba inagu leedahay, laakiin waxa muhiima in la raadiyo aqoontii buuxday ee loo yeelan lahaa xuquudaas iyo daawada hadey kugu adkaato inad gudato,

Mahadsanidin

Qalinkii: Ciise Maxamuud Geelle (Waddani)

Ciisemaxamuud5@gmail.com

+252634303410

Check Also

Waa Maxay Jaceyl?

Goortii gabar yar isugu geyso energy-geeda oo dhan si ay Aabaheed u dhunkato; Taasi waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *