Hurdo Yarida Oo Sababta Gabowga Maqaarka Jirka

hurdo yaridaDaraasad ay sameeyeen khubaro u dhashay dalka Maraykanka oo ay ku badhaayeen maqaarka haweenka aan sida fiican u seexan, ayaa iftiimisay in hurdo yarida badan laga qaado cimri-degdeg ku dhaca maqaarka jidhka bani’aadamka.

Cilmi-baadhistu waxa ay tilmaantay in haweenka hurdada xun quruxdooda wax badan ka dhinaato, isla markaana maqaarka jidhkoodu noqdo mid aan soo jiidasho lahayn oo coodh-coodh badan yeesha.

Drs. Elma Baron oo ah madaxa waaxda cilmi-baadhista ee jaamacadaha caafimaadka University Hospital Case Medical Center, Cleveland iyo Ohio ee dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in dumarka hurdadu ku yar tahay maqaarkoodu u ekaado qof waayeel ah, sidoo kalena aanay iska xejin fallaadhaha cadceedda.

Daraasaddan oo lagu tijaabiyey 60 haween ah oo da’doodu u dhexayso 30 ilaa 49 jir oo kala badh ka mid ah aanay hurdo hagaagsan seexan, waxa natiijada ka soo baxday lagu ogaaday in maqaarkoodu xumaado oo aannu waxyaabo badan oo cadceeddu ugu horrayso iska xejin.

Waxa kaloo cilmi-badhayaashu caddeeyeen in hurdadu wanaajiso maqaarka qofka, kana dhigto mid maqaarka jidhkiisu aad u ifayo oo qurux badan.

Cudurka hurdo la’aanta wax ay lala xidhiidhin jiray dhibaatooyinka caafimaad ee ay ka midka yihiin macaanka, buurnida, kanskarka iyo hab-dhiska difaaca cudurrada oo diciifa, laakiin waqtiganna waxa la ogaaday inuu saamayn xun ku leeyahay maqaarka,’ ayey tidhi Drs. Baron.

Sidoo kale, Dr. Daniel Yarosh oo ka tirsan xarunta cilmi-baadhista ee Estee Lauder oo ku taal Maraykanka, daraasaddanna ka qaybgalay, ayaa sheegay in cilmi-baadhistoodu daah-furtay markii ugu horraysay in dadka hurdada yar cimriga maqaarkoodu degdego.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *