Hurdo Yaraantu Waa Cadawga Ugu Wayn Ee Quruxda

hurdo yaraantuHurdo yaraan iyo quruxu meel ma wada galaan.

Wargayska caanka ah ee Elli oo kasoo baxa dalka Germany ayaa sheegay in hurdo yaraantu tahay cadawga ugu waynee ee quruxda iyo caafimaadka jidhka bina Aadamka.

Hurdo yaraanta ayaa sabab u ah in ay taag darreeyaan difaaca jidhka qofku , taasi oo sabab u noqota in Bacteria da iyo Virusku weerarro is daba jooga kusoo qaadaan jidhka.

Wargayskan caanka ku ah caafimaadka iyo quruxda ayaa intaa ku daray in ay hurdo yaraanta kor u qaado miisaanka jidhka qofka, waayo waxay khalkhal ku keentaa dheecaannada uu jidhku soo daayo.

Waxa kale oo hurdo yaraanta sabab u noqotaa xusuusta oo yaraanta iyo soojeedka qofka oo yaraada.

Dhinaca quruxdana waxa hurdo yaraanta ayay casaysaa indhaha qofka iyada oo xinjiro u eekaada indhaha qofku iyo jidhka oo hore u gabooba isla markaana dabca.

Ugu dambayntii si aad uga badbaado dhibaatooyinkan horta leh waxuu wargaysku talinayaa inaad qaadato hurdo kugu filan maalin kaste oo u dhaxaysa 7 saacadood illaa iyo 8 saacadood.

Xigasho: bahda faaido

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *