Hurdada

hurdadu hurdada hurdo1. Hurdadu waxay ka mid tahay nimcooyinka Alle SWT uu bini’aadanka siiyay. Waxaad ka helaysaa nasasho buuxda, waxay baabi’isaa daalka, kadeedka & carada

2. Xilli hore oo la tooso, xilli hore oo la seexdo waxaad ka helaysaa caafimaad & inaad hawl-maalmeedkaaga si habsami leh u gudato

3. Goortii la gaaro 10:00 pm habeenimo seexo, Inta badan go’aanada la gaaro wixi ka dambeeya 10ka habeenimo, waa go’aano khaldan

4. Saynisyahanadu waxay cadeeyeen; Haddii aad soo jeedo 20 saacadood oo xiriir ah maalin kasta waxay jirkaada ku yeelanaysaa saameyn la mid ah inaad cabtay laba glass oo wine (khamri) ah. Haddaba iska Jooji dhafarka

5. Aroorti oo hurdada laga tooso waa dhaqan wanaagsan. Saacadaha hore ee subixi oo la hurdo waa caajis & wahsi, gelinka dambe ee maalinti (galabti) oo la seexdo waa doqonimo

Psychologists waxay cadeeyeen in waxyaabaha waayadan dambe qofka uu habeenki ku dhafro oo hurdo u seexan waayo in ay yihiin:
1. Kelinimo
2. Qabow (dhaxan)
3. Kulayl
4. Gaajo
5. Message (qoraal ay cid ku sheekeysanayaan)
6. Nacasnimo
7. Jaceyl iyo Xusuus
8. Welwel & Cabsi
9. Dhufeys qof ku jira oo is ilaalinaya
10. Cibaado
11. Xanuun
12. Xan – War raadis
13. Tuuganimo
14. Internet

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Adiga Ayay Kuu Taal

Waxaa lagu siiyay Nolol, laguma siin Nolol fiican ama Nolol xun, Adigay kuu taal in …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *