Hurdada Iyo Quruxda

Soomaalida ayaa hore waxa ay ugu maahmaaday “hurdo habar korin wayday”, waxa kale oo hore uga jirtay caalamka in meelo badan ay dumarku aaminsanaayeen in hurdada ay ka helaan jir qurux badan. Hadaba hurdada aad si wanaagsan u seexato habeenkii ayaa waxa ay kaa dhigaysaa gabadh qurux badan.

Bal waxa aad waydiisaa gabdhaha badan ee asxaabtaada ah waxa ay ku qurxiyaan jirkooada, waxa hubaal ah in jawaabta intooda badani noqon doonto “hurdada”.

Arinta ah in ay kuugu jawaabayaan huradau waa waxa aan ka helo qurux ayaa ah mid ay ku saxsan yihiin.

Khuburo u dhalatay wadanka Sweden ayaa waxa ay baadhitaan ay sameeyeen ku soo bandhigeen in hurdada wanaagsan ay qurxiso qofka.

Khuburada oo ka socda maxadka la yiraa Caroline Institute ayaa markii ay baadhitaanka samaynhayeen waxa ay sawiro ka qaaden koox dad ah oo marna habeen si fiican u seexday marna soo jeeday.

Kooxaha tijaabada samaynayay ayaa waxa ay markasta marsanaayeen waxyaalaha u caadada ah in ay habluhu isku qurxiyaan, samaynayeena raacayeena hababka kala duwan ee ay isku quxiyaan.

Kadiba ayaa waxa laga codsday dadkii ka qayb qaatay tijaabada in ay sawirada saf galiyaan sida ay u kala qurux badan yihiin. Waxa ayna xulitaankii ku soo saareen in ay ku qurux badnaayeen sawiradii laga qaaday markii ay si fiican u seexdeen. Sawiradii ay soo jeedeen 31 saacadood ayaa waxa ay u eekaayeen kuwo daalan, soo jiidasho lahayn oo jiran.

Markaa waxa la odhan karaa waxaba roon in ay gabadhu hal saac oo dheeraad ah ku darsato hurada subaxdii. Taasina u sahli doonta in ay si fudud oo waqti yar ka qaadanaya isu sii qurxiso subaxdii marka ay banaanka u baxayso.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *