Hooyadu Waa lama Huraan (xikmad yar)

Hooyo ayaa weydiisay wiilkeeda inuu tuso siday sawir ugu qaadi lahayd Mobile-keeda oo camera-da u isticmaali lahayd. Aad buu ugu qoslay isagoo layaaban inay waxaa fudud garanayn ama technology wax ka aqoon! Wuxuu ku yiri, “Hooyo adiga dadki hore ayaa tahay noloshan casriga ma fahmi kartid”

Wuxuu hilmaamay in markay aduunka keentay ay wax kasta bartay sida loo hadlo, cuntada loo cuno, suuliga loo isticmaalo, dharka loo xirto iyo ka badan. Wuxuu hilmaamay xilli uu naftiisa xitaa quudin karin, habka keliya uu wax u weydiin karo ay ahayd oohin, inay ahayd qofka keliya ee oohintiisa fahmayay isla markina ka jawaabayay!

Nasiib darrada ugu daran waa in maanta wiilkaa iyo qaar kale oo badan u arkaan waalidkood inaysan casriga cusub la socon ama wax badan fahmeyn!

Alle SWT Hooyo kasta oo Muslim ah ha uga dhigo awlaadeeda kuwa baari u ah, adeeca, una naxariista.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *