Haweenka Iyo Ragga Yaa Xasuus Badan? (DARAASAD)

Cilmi-baaris ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda McMaster University oo ku taal magaalada Ontario ee dalka Kanada, ayaa daboolka ka qaaday in dumarku ragga kaga wanaagsan yihiin xasuusashada magacyada iyo wejiyada muddo dheer ka hor aragtidooda iyo maqalkoodu ugu dambaysay.

Daraasadan lagu daabacay jariirada lagu magacaabo Psychological Science, ayaa khubaradu dadka ay baarayeen u isticmaalay qalab casri ah oo lagu baaro indhaha iyo maskaxdu siday u xasuusato waxyaabaha muuqaalada iyo magacyada ah.

Tijaabooyinka dadka lagu sameeyey waxa kale oo ka mid ahaa in 120 weji la tusay, magacyadoodana loo sheegay ragga iyo dumarka cilmi-baarista ka qaybqaatay, 4 maalmood ka hor tijaabadooda, kaasoo markii dambe la waydiiyey sawirrada, 10 ka mid ah inay mar uun la kulmeen, sheegaana magacyadooda.

Cilmi-barayaashu waxay heleen in dumarku awood badan u leeyihiin in ay magacyada iyo wejiyada si fudud u xasuustaan, marka ragga loo eego.

Jennifer Heisz oo ka mid ah khubarada cilmi-baaristan diyaarisay ayaa Wakaaladda NBC News u sheegay in dumarku aad uga xasuus badan yihiin ragga, marka loo eego wejiyada iyo magacyada maalintii ay arkaan haddii ay muddo kadib la kulmaan.

“Si fiican uma xasuusan kartid marka qofku maalintaas kugu horraysa muddo kadib kula kulmo, balse dumarku waxay xariifiin ku yihiin inay wejiyada iyo magacyada si dhib yar ku xasuustaan,? ayey tiri Heisz.

Check Also

Weedho Ama Oraahyo Murti Leh

1. Gabar kasta oo careysan ama murugaysan waxaa ka dambeeya nin aan wax fikrad ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *