Haweenka iyo Hab Dhaqanka Xilliga Caadada

Sida aan wada ogyahay Haweenka waa udub dhexaadka qoyska iyo bulsho walba oo adduunka ka mid ah, waxa ayna sal dhig u yihiin nolosha guud ahaan, waana baraha iyo haggaha umadda oo dhan.

Haweenku waxay ka duwan yihiin ragga wax badan, waxaana haweenka lagu tilmaamey beerta ama warshada aadanaha, haddaba wax kasta la beerayo waxaa laga mutaa hawl, haddii beerta aan xoog iyo maskax loo hurin, ilaalo iyo ogaalna lagu darin deleg wanaagsan kama soo go’ayo, sidoo kale haddaanay haweenku helin daryeel iyo taageero buuxda waxaa imaneysa in iyaga dhib iyo dhaawac soo gaarayo, dhan jismi iyo dhan maskaxeedba.

Haweenka iyo dabeecadahooda.

Haweenka waqtiga noloshooda waxaa loo qeybiyaa saddex qeybood oo kala :

  • Qaan gaarka ka hor.
  • Xilliga ilmo dhalidda (child bearing age).
  • Dhalmo goyn (Menopause).

Haweenka ku jira da’ da dhalmada.

Haweenka ku jira xilliga ilma dhalista oo hela bil walbo dhiigga caadada waxaa soo wajaha is bedel ku dhaca jirkooda iyo dabcigooda taas oo ay sababtay hormoonada is bedelaya oo la xiriira wareegga dhiigga (Menstrual cycle), calaamadaha waa lagu kala duwan yahay qofba qofka kale, sidoo kale bilba bisha kalena waa ay ka duwanaan karaan waxaa laga yaabaa bishi hore in is bedel xooggan aad dareentay halka bishaan ay yareyd waxa aad dareentay.

Xilliyada Caadada

sida saxda ah gabadha waxa ay caadada heshaa 28kii maalinba mar ama bishii mar, celcelis ahaan waa (21-35 maalin) mar, caadi ahaan marka ay soo dhawdahay xilliga dhiigga waxaa haweenka intooda badan is bedel ku yimaadaa dabcigooda sida xanaaq iyo madax xanuun ,lalabbo iyo wareer , walaac iyo naasaha oo barara, dhabar xanuun uu la socdo mindhicir majiir, kor jajab iyo caajis iyo dulqaadka oo yaraada waxa ay calaamadahaas gabdhaha qaar ku bilowdaan 7-10 maalin ka hor inta aysan caadada helin, waxaa burburaya dhismihi loo diyaarshay ilmaha beermi lahaa haddii ay suura gasho.

Ragga soomaalida ayaan aqoon u lahayn gabadha is bedelka billaha ah ee ku dhaca, taasoo keenta in mararka qaarkood lammaanaha ay sabab u noqoto khilaaf iyo ismaandhaaf ka dhex yimaada.

Haddaba waxaa laga rabaa, raggu iney ogaadaan oo bartaan dabeecada iyo isbedelka haweeneydiisa waqtigga gabadha ay caadada hesho marka uu arkana uu u dhimriyo oo u kaalmeeyo una sabro ileyn waa maalmo koobane, sida dhaqanka soomaalida ah ayaa wuxuu yahay keliya in gabadha loo dulqaato marka ay wallacdo ee ay uurka leedahay keliya, sidaasoo kale waxaa waxaa ogaansho mudan in is bedelka caadada ka xooggan tahay marka ay haweenku ku jiraan.

Qoysas badan ayaa ku burbura is af garan waa ka dhasha xilliga caadada gabadha ku dhacdo waxa ay rag badan u qaataan in gabadhu si ula kac ah u samayneyso isbedelka iyo dabeecada qalafsan oo iyadu dhibaato abuur tahay, xaalkuse sidaa ka duwan oo waqtigaas dumarka iyagaaba naxariis u baahan waxaana daliil kuugu filan RABBI ayaba ka dhaafay waajibkii uu ku lahaa sida salaadda, soonka iyo xajkaba,

marka waxaa iyana mudan in haweenaydu macalin u noqoto lammaanaheeda aan nolosha dumarka waxba ka ogeyn inta aysan dhicin ka hor, lana dardaaranto, sidoo kale waa in raggu gartaan waqtiyadaas in laga rabo dulqaad iyo weliba kaalmo haddii xaaskaagu ilmo leedahay ku kaalmee inaad ka kaxeyso ilmaha ama ad ka aamusiso iyadana aad erayo naxariis leh iyo dabacsanaan u muujiso ka ilaalisid waxa ay dhibsaneyso .

Sida kale waxa Iyana khilaf dhex maraa dadka sheeko wadaagga ah sababo la xiriira xilligga caadada gabadha, waxaa habboon in la ogaado lala socdana is bedel bileedka gabadha ku dhaca, waxan ku guubaabinayaa dumarka in ay iyaguna yeeshaan qorshe taariikheed(Calendar) oo ay aqoonsadaan xilliga in uu soo dhowyahay marka ay dareento in is bedel kuso kordhay ogeysiisana cidda wax kala dhaxeeyaan si loo caawiyo.

Dulucda qormada:

Waxaan arkay dhibaato badan oo arrintani keentey sababta u noqotey burbur iyo is fahandaro badan, markaan tixraac ku sameeyeyna saldhigatey in ay sabab u ahayd marxalada isbedbedelka xiliyada ay dumarku jiraan Caadada, si haddaba aan bulshada ugu baraarujiyo waxaan go’aansaday inaan la wadaago qormo ku saabsan arrinkan.

W/Q Ilhaam Sheekh Abuukar.

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *