Hambalyo Jamiila Hassan Gaaruun Oo Guursatay

Xidigta Saxaafada Soomalida ee qarnigani Jamiilo Xasan Garuun oo dal iyo dibad laga yaqaano kana howl gasha Tv-ga Universal ayaa warar hoose oo aan helayno sheegaya in xalay lasoo doontay isla markaana uu dhacay munaasabadii ugu horeysay ee Faraanti geliska iyadoo lagu wado in meherka iyo arooskaba uu dhaco Bisha soo socota ee April, Sidaasi waxaa inoo xaqiijiyey ilo wareedyo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo oo xalay munaasabada ka qeyb galay. waxaa sidoo kale noo xaqiijiyey qaar ka mid ah qabanqaabiyaasha xafladani,

Jamiilo Xasan Garuun waxay ka mid ah tahay wariyaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan iyagoo Tv-ga Universal ka daadihisa barnaamijyada loogu xiisa badan yahay sidoo kale waxay ka mid tahay wariyaasha lafdhabarka ah ee Tv-ga ka howl gala iyadoo si gaar ah u leh barnaamijka salaamaha iyo habmalyada.

Haddaba Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah waa kuma Ninka ku guuleystay ama hanantay Qalbiga Jamiila Xasan Garuun muxuusa uga duwan yahay raga kale? iyadoo la ogyahay lagana dharagsan yahay in Jamiila ay baadi goobayeen boqolaal dhalin yaro Soomaaliyeed ayaa waxaa arintaasi si kaftan ah uga jawaabay mid ka mid ah ka qeyb galayaashii nasiibka u yeeshay munaasabadii ugu horeysay ee lagu soo doontay Wariyada Jamiilo Xasan Garuun ayaa wuxuu yiri waa Wiil dhalin yaro ah oo iskiis u shaqeysta waana Wiil furfuran oo dabeecad wanaagsan isla markaana aanan isla weyneyn dhawaana ayaa idin soo gudbin doonaa xog intaasi ka badan.

Aalada Casriga ah ee lagu bulsheeyo ee loo yaqaano Facebook-ka iyo Twiter-ka ayaa si weyn loogu dareemay farxada iyo damaashaadka soo doonashada Wariyada Jamiilo Xasan Garuun kuwaasi oo taageerayaasheeda ay si weyn ugu hambal yeenayeen, Waxaana hambalyo taasi la mid ah diraya Maamulka iyo shaqaalaha  qurbo magazine waxayna leeyihiin hala soo dedejiyo Meherka iyo Arooska.

Check Also

Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *