Hamaansiga iyo xikmadda ku jirta in afka gacanta lasaaro

Hamaansigu, waa hawlqabad iyo ficil aan doonis ku iman, ee mar qudha kusoo booda qofka, oo waadigaa is arkay, adigoo marqudha afka gacanta kula booday, ama haddaad kawahsatana waadigaa sidii libaax afka kala waaxay , ee ilaa gawsuhu ku muuqdeen Haaaaaaah………….. Hamanaasigu, waa neef-qaadasho dheer oo afka ah, oo ay hawo kabuuxsanto sanbabada, waxana inta ugu badan keena oo sabab u ah DAAL ama LULO. Sida ay tilmaamayaan baadhitaanno lasameeyay, hamaansigu waxa uu qofka kacaawiyaa hoos u dhigidda heer-kulka maskaxda, waase haddii looga falceliyo sida caafimaad ahaan saxda ah, balse hamaansiga inta badan ay dadku hamaansadaan, waa mid ku keena dhibaato, sababo ay ugu wayntahay inaanuqofku afka gacanta saarin xilliga uu hamaansanayo.

Sidaynu horeba usoo sheegnayna waxyaabaha Hamaansiga keena waxa ugu waawayn Daal iyo Lulo qofka lasoo dersita, waxa intaa soo raaca daawooyinka jidhka laduro qaar (Irbadaha/Cirbadaha), waxa kaloo keeni kara cabitaano aad qaadatay, sida cabitaanada jidhka fir-fircoonida siiya, kuwaas oo ay inta badan isticmaalaan
ciyaaryahannada. Sidoo kale sababo laxidhiidha dhiigyaraan ayaa mar-marka qaar keena hamansiga.

Rasuulku scw waxa uu yidhi, xadiis Macnihiisu uu noqonayo: “Ilaahay wuu jecelyahay qofka hindhisaya, waxa uuna necebyahay qofka hamaansanaya, haddii uu qof hindhiso, kaddibna Allah u mahadnaqo, qofkasta oo muslim ah oo maqlyayay waxa korkiisa waajib ku ah inuu u duceeyo (oo yidhaahdo “Allah hakuu naxariisto”) Hamaansiga miyaa; isagu wuxu ka ahaaday xagga shaydaanka,qofku ha isku celiyo inta uu awoodo, hadduuse yidhaahdo “Haaaaaaaaaa” oo afka kala waaxo, shaydaanka ayaa ku qosla” – Xadiis.

Haddaba, maxay tahay xikmadda kujirta in afka gacanta lasaaro, xag diimeed iyo xag caafimaadba? Waata koobaade, haddaan eegno DIIN-AHAAN, sida nebigu scw inoo sheegay, xadiiska kor kuxusanna aad kafahamtay, kolka uu qofku hamaansado, hadduu afka gacanta saari waayo, shaydaanka ayaa ka gala ama ku qosla, shaydaankuna waa cadawgeenna, cadawgaagu inuu kugu qoslana adaa sheegaya halkay ay kaa joogto, ama u yeel ama u diid. Inaad
kafarxisid oo uu kugu qoslaa hajoogtee, shaydaanka waxad amrantahay inaad markasta ka cadhaysiiso, isaga iyo shaqaalihiisa. CAAFIMAAD-AHAAN haddaynu eegno, markaad hamaansanayso, waxad galaysaa neef-qaadasho xeel-dheer (Deep breath-in), adigoo hawada ka qaadanaya afka.

Sida aan wada ognahayna in afka hawo laga qaataa maahaa sida dabiiciga, oo sanka ayaa u xil-saaran shaqada neef-qaadashada (Breath-in), afkana sida caadiga ah, neefta kaarboonka ayaa kasoo baxda (breath-out), haddaba; waamaxay shaqada uu sanku qabto ee aanu afku qaban Karin xilliga hawa-qaadashada? Maxaase dhacaya hadaad afka hawo kaqaadato, oo aad gacanta saariwaydo?, ilaahay swc sanka waxa uu siiyo awoodda ah inuu safeeyo hawada soo gasha, kaddibna uu u gudbiyo sanbadada, sidaana ay ku gasho jidhka iyada oo safaysan oo aan wadan wax dhib ku keeni kara qofka.

Haddiise inta aad hamaansato aad afka kalqaadato oo aad gacanta saari waydo islamarkaana ay hawo kaa gasho, waxad liqaysaa oo afka kaaga xaroonaya jeermisyo kala duwan, boodh iyo dhas, kuwaas oo aan kollayba caafimaad kuu sidin. Sababtaa aan soo sheegnay ayaa ah xikmadda uu nebigeennii suubanaa ee Muxammad ina Cabdilaahi Nabadgalyo iyo Naxriisi korkiisa ha ahaatee, uu sii sheegay 1438 sanadood kahor.

Waxyaabah kaa qoslin kara ee ma-marka qaar aad arkasid waxa kamid a: Qof sanka isqabanaya meel ur xun, qiiq ama dhas kasoo baxayo, isagoo afkiisuna uu banaanyahay, oo dee waanuba isku qaban karin afka oo waakan sankii is haya, islamarkaasna ay urtaa xun iyo boodhku kaga xaroonayaan.

Waxa iswaydiin leh; ma afka oo aan hawada soo gasha iska safayn ayay tahay in la daboolo, mise sanka oo isagu iska naqeeya oo safeeya hawada ayay tahay?.

Adaan kuu daayay jawaabta. Su’aal kale oo isawydiin leh; afka ma gacnata midig ayaa lasaaraya, mise gacanta bidix Sida sunnaha ah, calaa-casha gacnta midig ama dhabarka gacanta bidix ayaad afka saaraysaa si aad uga digtoonaato dhibaatada ay kugu sababi karto hawada aan safaysnayn ee jidhkaaga soo galaysaa.

Dhamaad

W/Q: Khaalid Caskar

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *