Halku-Dhegyo Xikmad Badan

1- Dadaal iyo qiime waxaan ku bixinaa xirashada dharka ugu qurxoon iyo kuwa ugu qaalisan, balse waxaan is ilowsiinaa bedelista dhaqamada iyo dabeecadaheena guracan. Ogow, weelka qaaligaa ma sameeyo cunto dhadhan macaan.

2- Caqabaduhu geeri ama dhimasho ma keenaan, balse dilaaga noloshu waa murugada iyo welwelka.

3- Guul gaaristu lugo uma baahna ee dhiirasho ayey u baahantahay.

4- Niyad wanaag kula dhaqan dadka, Wanaaagoodana baahi intaadan xumohooda saadaalin.

5- Kuligeen bulshadaan dhaleecaynaa waxaanse is ilowsiinaa inaan qayb ka nahay bulshada..Dhaleecaynta dhaaf!.

6- Howl badan ayaan dib u dhignaa inagoo leh “Waqtigaan haboonayn”, Waqtiga habooni waa dhalanteed, dhalanteedka lama qaban karo, ee ereygaas ka siib maskaxdaada.

7- Ereyga wanaagsani waa furaha (Password) quluubta dadka kale. Adeegso.

8- Bulshooyinka guuleystey waxey gacan qabtaan hal-abuuraha ee maaha kuwa afka iyo adinka ula taga hal doorka.

9- Guushu waa hortaada ee kaama dambayso, horay eeg marna gadaal ha eegin.. horay eeg hadda.

10- Murugado waa xarig hadaadan iska goyn waa ku ceejin.. Ha is ceejin adigu.

Buugga: farxadda iyo yididiilada ee uu qoray Abdalle Maqluus

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *