Halkaan Ka Ogoow Ninka Kuu Qalma Inaad Guursato

Ninka aad dooranaysaa waa ninka kula noolanaya inta ka harsan nolashaada, waxaana larabaa inaad ku dooratid caqligaaga intaanu qalbigaagu dooran.

Waxaa dhacda in gabdho badani ay ka dortaan ninka qalbiga kaliya, oo ay yiraahdaan waan jecelahay saas darteed ayaan uguursanayaa isaga taasna lama rabo, anigu kama soo horjeedo inaad jeclaatid laakiin waxaan ku leeyahay caqligaaga isticmaal oo eeg ninkan ceebihiisu waa maxay?

gurigeenu 10 sano kadib markaan lanoolaado siduu ahaan doonaa? miyuu idhaqan karaa? ubadka sifiican ma u korin karaa?

Hadaba waxaan rabaa inaan kuu sheego qodobadan aan kuusoo xulay ee ugu muhiimsan in ninka wanaagsan ee kuu qalma aad ku doorato qodobadaasoo gabar walba oo muslimad ahi ay ku diidayso ninkii ay ka waydo waxaana ka mida.ninka kuu qalma

-Nin diintiisa ku wanaagsan: lasoco walaal in ninka Illaahay ka fogi inaanu ku wanaajinanayn, wuuna ku dulmin, xaqaagana ku siinmaayo. Ninba ninka uu ka Alle fogaasho badanyahay wuu ku xunyahay inuu reer dhaqdo. daryeelmagazine.com ayaa ku leh Hana fiirin muqaalka kaliya inuu leeyahy gar iyo inuu sirwaalka gaabiyey, laakiin waxaad fiirisaa akhlaaqda diinta uu leeyahay, imisaan aragnaa nin gar leh dadka xamanaya oo carabkiisa aan laga helay wax amaana, ama mid surwaalka gaabsaday oo been sheegaya.

Waxa ugu muhiimsan xaga diinta: Salaadiisa: siduu ku yahay salaadiisa? ma tukadaa? jamaacada ma ku dadaalaa? Barashada diinta: meelaha casharada ma tagaa? ma dhageystaa muxaadarooyinka? ma jecelyahay majaalista cilmiga?

-Nin ku dhiqi kara: waa muhiim hadii ninku reer dhisayo inuu dhaqaalo fiican leeyahay, waa waajibka saaran ee Illaahay saaray inuu quudkaaga, labiskaaga iyo dagaankaagaba bixiyo, saas darteed nin aan dhaqaale lahayn iska ilaali, sababtoo ah wajiibka Illaahay saaray kama soo bixi karo.

-Nin akhlaaqdiisa wanaagsantahay: Akhlaadu waa waxa dhisa guriga ama burnuriya, ninku haduu akhlaaq wanaagsanyahay waxay ku cawisaa inuu guriga sii wanaajiyo kuna kordhiyo naxariis iyo kalgacal. haduu akhlaaq xunyahayna waxay siyaadisaa nacayb, karaahiyo, cadaawad iyo inuu guriga dhibaatooyin ukeeno.

-Nin kula fikrad ah: iska jir nin wax badan kaa wayn oo aydan isku fikrad ahayn.
iska jir nin aydan isku hadaf ahayn, ka wada hadla oo ku heshiiya mustaqbalkiina hadii aydan ku heeshinina macnaheedu waa isku hadaf matihiin!
iska jir nin aydan isku mustawa ahayn, hadii kale ma is fahmaysaan, matalan nin wax barashadiisu ay aad uhoosaysaa hadii uu doorto gabar wax barashadeedu ay sarayso, taasoo kale badanaa waxay keentaa furitaan is fahan waa darteeda.

W/Q: Sucaad A. Maxamed

Check Also

Fruits-ka U Fiican Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *