Hal-Qabsigii Iyo Xikmadihii Dadkii Hore

xikmadihii-dadkii-hore-xikmado1Qormadan waxaan kugula wadaagayaa qaar ka mid ah hal-qabsigii iyo xikmadihii dadkii hore, waxaan rumaysnahay in ay jiraan dad badan oo xikmad ehel la ah, waxaan xooga u saaray xikmadaha dadkii hore wa in aan dadka xasuustan xikmadahaas kana faa’iidaystaan, maahmaah fog baana tiri (dad waa kii hore hadalna waa intuu yirri.).

1- Qofna ha canaanan si aan adiga laguu canaanan.

2- Waxaan bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad gaartid”.

3- Geesinimadu waa qofka oo cabsidiisa xakameeya ee mahan qofka oo ay cabsidu ka guurto.

4- Masaafada u dhaxaysa riyada iyo runta waxaa la yiraahda ficil. La imow ficil si riyadaadu ay isugu rogto run.

5- Saaxiibka beenta ah wa sida harka oo kale, had iyo jeer wuu kula socda xilliga aad iftiinka ku jirtid lkn ma arkaysid xilliga aad mugdiga ku jirtid.

6- Intii hankaagu jiro ayey dadnimadaadu jirtaa.

7- Farxadu waxay kaa dhigaysaa mid wanagsan oo la jeclaysto, isku day inaad abidka faraxsanaatid.

8- Waligaa kuma noolaanaysid nolol farxad leh hadii ad ka walwalysid waxa ay dadka kale kaa aaminsanyihiin.

9- Qurux ma ahan in aad leedahay waji nuuraya lakiin waa in aad leedahay maskax qurxoon, wadne qurxoon iyo naf naf qurxoon.

10- In aad wax dhagaysato waa faaiido, in aad wax akhrisaa waa horumar balse in aan wax qortaa waa haybad.

11- Waqtigu wuxuu go’aamiyaa qofka aad la kulmayso nolosha, qalbigaagu wuxuu go’aamiyaa qofka aad rabto nolosha laakiin dabeecadaada iyo dhaqankaagu waxay go’aamiyaan qofka kula joogaya nolosha.

12- Hadii aad doonaysid in aad gaartid horumar aan macquul ahyn oo sare u fakar si aan loo fakarin.

13- Taariikhdaada iyo hab nololeedkaaga ayaa ka turjumaya qofka aad tahay, laakiin adiga ayaa ka masuul ah qofka aad noqon doontid mustaqbalka.

14- Waqtigu waa khayraadka noloshaada, waa khayraadka kaliya ee aad haysatid, waxaad go’aan ka gaari kartaa sida aad u bixinaysid khayraadkaas hubi halka aad ku bixinaysid iyo waliba sida aad u bixinaysid khayraadkaas.

15- Tuugu waa midka ku xada, dilaagu wuxuu laaya dadka, laakiin beenlow ma lahan jaho loo raaco.

Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)
Email:abdelrahmangure@gmail.com

Check Also

runta xikmad, xikmada todabaadka

Xikmada Todobaadka

Xikmada todabaadka: -Ha doondoonin RUNTA iyadaa imaneysa kaliya waxaad joojisaa xumaha iyo fikradahaada khaldan. -Weligaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *