Murti Ku Saabsan Dumarka Iyo Dabeecadahooda

Murti ku saabsan dumarka, halku dhegyo, oraahyo, weedho xikmad,Murti ku saabsan dumarka:

Waa qormo kale oo aynu akhristayaasha kula wadaagayno hal-ku-dhegyo dhaqanno kala duwan laga soo dheegtay oo ka hadlaya dumarka iyo dabeecadahooda ay bulshooyinka ereyadan lahaa ka aaminsanaayeen. Kama turjumayaan aragtida daryeelmagazine.com ee dumarka ku aaddan, balse waxa uu dareensan yahay muhiimadda ay leedahay in la ogaado aragtida bulshooyinka dunida innagula dhaqan:

– Mar walba guurku waa lagama maarmaan ee raadi gabadh. Haddii aad hesho mid fiican waxaad helaysaa badhaadhe, haddii ay noqoto mid xunna waxa aad helaysaa khibrad, labada midna khasaare ma’aha.

– Su’aasha ugu adag ee raggu aanay jawaab u helin waa, Maxay Gabadhu doonaysaa?

– Ninka uu guurkiisu waaraa waa ka gabadha u qirta khaladkiisa, kana raali geliya. Khaladkeedana kaa aamusa ee aan ka dalban in ay ka cudurdaarato.

– Gabadha wanaagsani waa ta saamaxda ninkeeda marka ay iyadu khaldanto. (Ta aan khaladkeeda ku moosin ninka).

– Guurku waa Dagaalka keli ah ee ninku uu barbar seexdo Cadawgiisa.

– Ninka ay gabadhu jeceshay waa ka mar walba u sheega xaaskiisa in ay tahay xuural caynta dunida (Ammaana).

– Gabadhaada dagaal ha la’ gelin, laakiin haddana iska jir in aad nabad waarta la saxeexato.

– Dumar ta ugu doqonsan ayaa khiyaamayn karta rag ka ugu garaadka badan.

– Gabadhu ma’ awooddo in ay is-disho, laakiin waxa ay kartaa in ay ninka ku kalifto in uu is dilo.

– Gabadhu inta aanu ninku guursan waxa ay u taqaannaa Geesi, Marka uu guursadana Maxbuus.

– Xilliga haasaawaha Inankaa hadla, inantuna way dhegaysataa, Marka guurka lagu heshiiyana, Aroosaddaa hadasha arooskuna wuu dhegaystaa, marka guri ay isugu yimaaddaana labadooduba way hadlaan deriska ayaana dhegaysta.

– Gabadhu waxa ay wareerisaa keliya ninka isku hawla in uu fahmo.

– Wasladda u dambaysa ee Ninka dhimataa waa Qalbiga, gabadhana waxaa ugu dambe dhinta Carrabka.

– Qalbiga gabadhu waa shayga ugu fudud ee la jabin karo.

– Caqliga gabadhu waa quruxdeeda, Quruxda ninkuna waa caqligiisa.

– Gabadhu si kasta oo ay u fududahay /Waalantahay, haddana waa ay hogaamin kartaa uun nin kasta oo garaad badan. Laakiin gabadha khatarta ugu weyn ee soo waajahdaa waa marka ay doonto in ay hoggaamiso nin doqon ah.

– Haddii ay gabadhu ku tidhaahdo jawaabtayda kama dambaysta ahi waa taas.. Ogow in aanay kama dambays ahayn.

– Gabadha aad guursanaysaa waa saddex midkood uun: Gabadh ku jecel oo jacaylkaas kuu guursanaysa, gabadh jecel in ay ku guursato oo keliya iyo gabadh inta ay ku guursato, kadibna isku deyi doonta in ay ku jeclaato.

– Gabadhu in ay samirto ayaa xanuun kasta kaga daran.

– Haddii ay murmaan gabadh iyo nin waa lagama maarmaan in ay iyadu guulaysato, waxase yaab leh, in ay doonayso in guusheedaas uu ninkaas ay ka adkaatay ku farxo.

– Haddii ereyga Dumar / Gabadh laga masixi lahaa qaamuuska afka lagu hadlo, kuma uu hadheen hadal kale oo macno lihi.

– Ninka xooga badani waa ka awooda in isaga oo aan amar iyo qallafsanaan isticmaalin in uu taladiisa iyo maamulkiisa hoos keeno gabadha.

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *