Hal Koob Oo Biyo Ah Waxay Kaa Badbaadinayaa 10 Dhibaato Caafimaadeed

“Ha cabin in ka yar 8 koob maalintii” waa hadalada ugu badan iyo talooyinka aad ka kala kulanto goobaha caafimaadka, ama uu ku taliyo dhakhtar. Laakiin ma ogtahay in hal koob oo biyo ah in ay kaa caawiyaan xalinta dhibaatooyin badan oo caafimaadeed sida baabi’inta dhagaxaanta kelyaha, helida dareen farxadeed iyo diirad saarida xaga fahanka la xidhiidhka .

Ka bogo muhiimadda ay leedahay hal koob oo biyo ah, sida laga soo xigtay website ka “WebMD”.

– Waxa ay baabi’yaan sunta jidhka, sido kale waxa ay hoos u dhigaan buurnida.

– Waxa ay ka caawiyaan jidhka qoyaanka iyaga o oka hortaga basaasta , waxa sido kale ay dhayaan dil dilaaca cagaha iyo faruuryaha .

– Waxa ay baabi’yaan dhagaxaanta/qaruuraxa kelyaha.

– Waxa ay yareeyaan cusbada jidhka ku jirta, taasoo keenta miisaanka xad-dhaafka ah.

– Waxa ay ka caawiyaan diirad saarida xadga fahanka la xidhiidha, iyo sido kale kaydinta macluumaadka.

– Cab hal koob oo ah biyo ah waxa ay kaa caawinayaan wanaajinta dareenka guud iyo dareenka farxadeed.

– Waxa ay kaa caawiyaan yareynta dareenka cadhada, walaaca iyo kacsanaanta.

– Waxa lagu taliyay cabitaanka hal koob oo biyo ah marka aad hurdada ka toosto, maxaa yeelay waxa ay ka caawinayaan nadiifinta midhiqiraha.

– Waxa ay kaa caawiyaan cusboonaysiinta unugyada jidhka, sida muruqyada, dhiiga, iyo jidhka.

-Waxa ay yareeyaan xanuunada kala goysyada, iyo jidhiidhicada muruqyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *