Hal aan ka Idhi Maanso

Afarrey mug weynoo

Maankana ruxeysoo

Murti aad jeclaaniyo

Maahmaah ku ladhan tahay

Murtimeere Kaysa’a

Garaadkiisa maaloo

Midhaheedna curiyee

Dar Ilaahay malabkaa

Dhinaciin ka muudsada.

Suugaan-ku-maahmaahu waa mid ka mid ah dhaxal-dhiteedka hal-abuurkeenna soomaalidu leeyahay. sida oo kale na waxa ay qayb ka noqon kartaa hab uu hal-abuurkeenu inoogu kaydinayo maahmaahyo iyo murtiyo inaga lumi lahaa. Hal-abuur Kayse-Xabaw waxa uu ka mid yahay dhallinta curintooda suugaaneed iskaayo bartay. Waa hal-abuur erey suugaaneedka uu odhanayo si fiican oo farshaxamaysan, aftahannimana ku dheehan tahay u sooha una tiriya. Suugaantu waa wax dareenka la hadasha, hal-abuurkuna waa ku kala duwan yahay dareen taabadnimada.

Noloshu waa waayo badan tahay. Jidka kaa horreeyana kolka laga yimaado hummaaga kuu muuqda ee riyo-mala’awaaleedkaaga ah; waa jid mugdi iyo caddo kuu yahay aanad garan karin. hal-abuur Kayse isaga oo qodobkaa tilmaamaya waa kii lahaa:  “Ifku waa hog iyo bohol, jidku waa mid biima’a”

Sida oo kale hal-abuur Kayse isaga oo kalsoonideena qofnimo dhisaya; inoona sheegaya haddii laxaadkeenna wax ka mid ah aynu weyno aynaan nolosha ka quusan, maankana aynu ku hayno maahmaahdii ahayd ‘Kolba sidii loo jabaa loo dhintiyaa’ ayuu ina yidhi:

“…Hadii bawdadaadiyo
Biixidu ku kala taal
Lugta kale ku bood bood
Hadduu daal ku buqun jaro
Ku guur-guuro beer beer…”

Jidka nololeed ee guushu waxa la sheegaa inuu yahay mid qalqalooca. Caqabadaha uu leeyahayna aanay fududayn. Qodxaan iyo dhagaxaanina ay yaaliin jidkeeda. Haddaba, bani’aadamka sababta loogu fududeyn waayay jidkaasi; sida uu hal-abuurkuba inoo sheegayo waa si ay ugu tartamaan, uguna kala hormaraan jid-nololeedkaa isaga ah. Hal-abuur Kayse isaga oo qodobkaa inoo iftiiminayaa waa kii lahaa:

“…Waxay beerta raaxadu 
Buur uga dambaysaa
Rag inuu ku kala baxo…”

Isbeddelku waa mid ka billaabmaa qofka. Qofkuna wax isbeddel ah ma samayn karo haddii aanu isagu ahayn qof naftii beddele ah. Waxa uu sida oo kale ina xasuusinaya in aynu aqoonsano awoodaha uu Alle inagu abuuray iyo nimcooyinka tiro-beelka ah ee uu inoogu deeqay waana kii lahaa:

“…Wuxuu boqorku jecelyahay
Awoodaha buruudkiyo
Wuxuu kugu boqroo idil
Qofku inuu baxnaansado…”

Nolosha waxa aan loo halgamin wakhti iyo dedaalna loo hurin si fudud lagu ma helo. Qof harraadan kob biyo ku jiraana soo dul istaagay; hadduu iska agfadhiisto ma suurtogal ba intay biyuhu iskood u soo socdaan dabeeto ay iscabsiyaan?! Hal-abuurku isaga oo aragtidaa si suugaaneysan inoogu sheegaya;  ina xasuusinayana maahmaahdii ‘Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan’  waa kii lahaa:

 

“…Nin haraad bastiiyoo
Wabi buuxa taagani
Hadduun labada baabaco
Biyihii ku soo dhuran
Is intay u boodaan
Bishimaha ma galayaan…?!”

Noloshu iyada ayaa bare ah oo casharro laga bartaa. Dr.Ibraahin Alfiqhi waa kii lahaa: “Marka aynu dugsiyada [iyo jaamacadaha] joogno casharro [iyo cilmi] baynu ka barannaa dabeeto imtixaano ayaa laynaga qaadaa. Se noloshu waa ka duwan tahay oo imtixaano ayaynu marnaa dabeeto casharro iyo cibar ayaynu ka barannaa.” Hal-abuur Kayse isaga oo qodobkani inoo sheegaya waa kii lahaa:

“…Waa bare ayaamuhu
Waa macallin baahidu
Nafta balanbalkeediyo
Wax ka biirso waayaha
Buugaagi nolashiyo
Wax ka baro ba’aagii.”

W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

masxaf2015@gmail.com

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *