Haddii Cuntadu Ay Koriso Jirka, Akhriskuna Wuxuu Koriyaa Maskaxda Iyo Fahanka

Dheefta wax akhriska laga helaa maaha mid la barbar-dhigi karo dhibka uu leeyahay, balse waa in la xusaa haddiiba uu leeyahay wax dhib ah. Wax akhris waxa aan uga jeednaa qofka oo hamuun u qab in uu helo macluumaad iyo warar kala duwan si uu u kabo aqoontiisa, maskaxdiisa iyo fikirkiisa. Waa tii Soomaalidu ku maahmaahday “war la helyaaba Talo la hel”. Wax akhriska waxa laga heli karaa meelo kala duwan, sida Buugaagta, wargaysyada, bogoga Internet-ka ee qoonta guud lagu keydiyo, dhegaysiga sheekooyinka ay soo tebiynayaan dadka waayo-araga ahi IWM.

Dadka reer Hindiya ayaa hal-hays u leh oraahdan,” If you want to know someone’s Reading habits pay attention when He is talking, If He talk meaning, He is Big Reader, otherwise He is Empty Vessels”, oo micnaheedu noqonayo, Haddii aad doonaysid inaad ogaato, qofka wax akhriska badan, hadalkiisa uun dhegayso. Haddii uu xog iyo macluumaad ku hadlo, waa akhriste weyn (Big Reader), haddii kale waa weel maran ama eber ah.

Dheefta wax akhriska laga helo laguma soo koobi karo qoraal kooban, waxa ay u baahan tahay in buugaag badan laga qoro, balse waxa aynu dul-istaagi doonaa qodobada ugu mihiimsan:

Ilaahay wax akhirska wuxuu ku sheegay Aayadii ugu horaysay ee lagu soo dejiyey Nebi Maxamed “scw”, waana IQRA, oo micnaheedu yahay AKHRI. Kol haddii Allahii adduunka abuuray ku bilaabay hadalkiisii uu Nebi Maxamed”scw”, waxa aan halkaasi ka garan karnaa inay waajib tahay in wax la akhriyo.

Dadyowga adduunka ku nooli waxa ay siyaabo kala duwan u cabbiraan awooda iyo mihiimada akhriska. Xigmado badan iyo maahmaahyo badan ayaa lagu cabbiraa dheefta wax akhriska, shacabka reer Albaaniya ayaa xigmadan is-ticmaala” Those who can read and write have four eyes”, oo micnaheedu noqonayo, kuwa waxna akhriya waxna qoraa waxa ay leeyihiin afar indhood, oo dadka kale dheer yihiin. Sidoo kale ayey dadka Faransiisku leeyihiin xigmadan,” Think much, say little, write more”, oo micnaheedu noqonayo, in badan Fikir, wax yar hadal, wax badana qor.

Wax akhrisku waa furaha aqoonta 70% waana meelaha laga helo nooc kasta oo macluumaad ah. Angel Carter oo ah Gabar xigmad badan ayaa laga hayey xigmadan qaaliga ah “Reading book is like Re-writing it yourself”, oo micnaheedu yahay hal buug oo aad akhridaa, waxa ay la mid tahay inaad adiga laftaadu dib u qortay Buugaasi. Xigmadaasi waa dhab biyo kama dhibcaan ah, waayo aqoontii iyo nuxurkii ku jiray Buugaasi waad heshay markaad si fiican u akhrido cilmigii buugaasi ku keydsanaa, balse ma bannaana inaad dib u qorto Buugaasi, haddii aanad ogolaansho ka haysan qoraagga Buugaasi.

Wax akhrisku wuxuu qofka u furaa fahanka iyo barashada ummadaha kale ee adduunka ku nool. Markaad akhrido Buugaag kala duwan, qoraal uu diyaariyey caalim, Bare sare, dhakhtar, siyaasi ruugcaddaa ah iyo waayeel waayo-arag ah, dhammaan macluumaadkaasi wuxuu kuu saamaxayaa in uu caqligaagu koro, ka dibna fahankaagu durko, oo aad mar kasta meel dheer wax ka eegto.

Maahmaah Shiine ah (China) ayaa tiraahda” After three days without Reading talk becomes flavorless”, oo micnaheedu noqonayso, saddex cisho oo wax akhris la’aan ah, hadalku wuxuu noqdaa bilaa macne. Inta badan dadka falanqeeya arrimaha adduunka ka dhacaya, waa dadka ugu akhriska badan, siday faallada u dhigaan ayey inta badan wax u dhacaan, waayo waxa ay hayaan waayihii hore u dhacay, ka dib waxa ay barbar-dhigaan kan socda, iyaga oo mar kasta ka shidaal qaadanaya duruufaha ku xeeran wakhtigaasi.

Waa tii soomaalidu hore u tiri” hoostii eege hareertii ma eego.” Dadyowga adduunka ugu maskaxda fiicani (Talent) waa kuwa akhriska joogteeya ama caadada ka dhigta akhriska. Marka la eego shakhsiyaadkii ugu maskaxda badanaa adduunka kuwii soo maray waxa ay dhammaan ka sinaayeen in uu akhrisku caado u ahaa.

Akhriska Taariikhdu wuxuu qayb libaax ka qaataa saadaasha fog ee mustaqbalka ummadaha. Xigmad Giriig ah ayaa ahayd” Historian know some about Future”, oo micnaheedu noqonayso Sooyaal yahanku wuxuu ogyahay qayb ka mid mustaqablka. Dabcan wuu saadaalin karaa ayuu nuxurku noqon karaa, waayo wixii maqan ilaahay ayaa og, Sidaasi oo kale wax akhriska taariikhuhu waa u mihiim bulshada. Sooyaal yahanka waxa maankiisa iyo maskaxdiisa ka buuxa kumanaan dhacdooyin oo adduunka ka dhacay, markaa wuxuu eegayaa taariikh ahaan waxa ay iska shabbahan waxa dhacaya wakhtigan.

Waa tii soomaalidu tiri” Ninkii waxa taagan aan garanin waxa soo socda ma garto”. Inta badan waxyaabaha adduunka ka dhacayaa, waxa ay xiriir taariikheed leeyihiin wax hore u soo dhacay, qaarkoodna waa isku mid oo dhacdo hore u dhacday ayaa iyadii oo weji kale leh dib u soo noqota.

Dunida horumartay ee aynu maanta ku nool nahay wax akhrisku wuxuu ula mid yahay nolol-maalimeedkooda ama quutal-daruurigooda. Maahmaah Jabaaniis ah ayaa tiraahada” reading is like the daily live eating“, wax akhrisku wuxuu la mid yahay wax cunista saddexda wakhti, sidaa darteed ayey shacabka reer Jabaan dhaqan ka dhigteen inay saddexda wakhti ee wax la cuno ay mid kasta raacsadaan min hal Buug oo ay akhristaan. Dadka wax akhriska caado ka dhigtaa waa kuwo xor ah, oo ka dawoobay cudurada dilaaga ah ee jahliga iyo dib-u-dhacu kow ka yahay. Wax akhrisku wuxuu kobciyaa maskaxda, ka dib maskaxda ayaa balaarata, waxa aanay horseedaa inay siyaabo kala duwan u fikirto, oo ay horumar ku tallaabsato. Haddii cuntadu ay koriso jirka, akhriskuna wuxuu koriyaa maskaxda iyo fahanka.

Qalinkii: Cali cabdi coomay

Check Also

Waxaa Xaqiiq Ah In….

Waxaa xaqiiq ah: – Kali noolashiyuhu ( in aad kaligaa noolaato ) waa Dhibaato amaba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *