Hababka Xalinta Dhibaatooyinka

Qofkasta oo ku nool dunida ballaadhan ee sida joogtada ah isu beddelaysa inuu  maalinkasta la kulanto muskilad ama dhib-ha waynaado ama ha yaraado e- oo uu  xalliyo,dhibaatooyinka qaar adiga ayay kugu habsadaan ,qaarna qoyskaaga ama asxaabtaada,waxaana laga yaaba inaad badankooda xalliso markiiba ama ay dhibaatooyinka qaar xalkoodu kugu adkaado.

Isku mid ma’aha dadku marka laga hadlaayo xallinta mushkiladaha ama dhibaatooyinka soo waajaha,dadka qaar awood ayay u leeyihin xallinta dhibkasta oo ka hor yimadda iyo xittaa  dhibka dadka kale haysta halka dadkelna ay ku adag tahay inay xalliyaan dhibaatooyinka iyo mushkilado haysta,haddaba ,waxay waydiintu tahay; maxay dadka qaar awood ugu yeesheen xallinta mushkilada qaarna ay ugu guuldaraysteen?

Qormadan koobaan waxaan ku soo bandhigaya habka ugu fudud  ee aad u xallinkarto dhibaatooyinka iyo mushkiladaha maalinkasta kaa hor yimaadda ama kulakulma haddii aad tahay shaqaale,ganacsade, barre,arday iyo loo shaqeeye intaba.

Inagoo tixraacayna waydiintaan kor ku soo xusnay oo ahayd; maxay dadka qaar awood ugu yeesheen xallinta mushkilada qaarna ay ugu guuldaraysteen? Dadka awoodda u leh xallinta mushkilada ku habsada maalinkasta,waxay adeegsadaan habkan soo socda;

  1. Waxay qeexaan ama ay gartaan dhibka asal ahaan (identify the problem)
  2. Waxay gorfeeyaan  ama taxliiliyaan dhibka (analysis the problem)
  3. Waxay sameeyaan badhitaan (research)
  4. Waxay sameeyaan maskaxtuujin ah sida ugu fiican ee lagu helikaro xal (brainstorm many option)
  5. Waxay u fekeraan si hal-abuurnimo leh si ay xal u helaan (think creatively)
  6. Waxay abuuraan aragti (form hypothesis)
  7. Ka dib waxay doortaan xalka ugu ficaan ee lagu xallinkaro dhibka ama muskiladda haysata,wayna dhaqangeliyaan (select the best option).

Habkani ;waa qorshaha ama istiraatiijiyadda ay adeegsadaan dadka awoodda u leh xallinta dhibaatooyinka,taas darted,qofkasta oo uu dhibka haysto sidii uu u xallin laha dhibka soo waajaha,waa muhiim inuu raaco habkan oo ka caawinaya inu xalliyo dhibka haysta noockasta oo uu yahay.

Xagasho

Ferguson career skills library.1998.problem solving .2nd edition.8-18 P.

 w/q; bashiir raacdeeye

burco.somaliland

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *