Hababka Ugu Wanaagsan Ee Dhaqdhaqaaqa Xiliga Foosha

Heerka Koobaad ee Foosha
Heerka koobaad waa bilawga foosha waxana uu socdaa ilaa afka ilmogaleenku si buuxda u furmayo taasoo ah 10 sentimitir. Kani waa heerka foosha ee ugu dheer waxana uu socon karaa 12 ilaa 17 saacadood.
Heerkan waxa loo kala qaybin karaa foosha hore, foosha firfircoon iyo kalaguurka.

1. Inta lagu jiro foosha hore, afka ilmo-galeenku waa uu furmaa taasoo ka bilaabmaysa 0 ilaa 3 sentimitir. Maroojintu ama fool-qabashadu waxay socon kartaa 30 ilaa 60 daqiiqo waxana ay dhici kartaa 5-tii ilaa 20-kii daqiiqadood kasta. Waxa laga yaabaa in dheecaan casaan ah, dhiig leh ama xab ah uu ka yimaado hoos. Waxa kale oo laga yaabaa in dhabarxanuun, lallabo iyo shuban uu yimaado.

2. Inta lagu jiro foosha firfircoon, afka ilmo-galeenku waa uu weynaadaa ilaa 7 sentimitir. Fool-qabashooyinku way sii xoogeystaan oo sii dheeraadaan, iyaga oo jiraya qiyaastii 1 daqiiqad soona noqonaya 2-dii ilaa 4-tii daqiiqadood kasta. Waxa laga yaabaa in dawada xanuunka wakhtigan lagu siiyo.

3. Inta lagu jiro kala-guurka, afka ilmo-galeenku waa uu sii weynaadaa ilaa 10 sentimitir. Fool-qabashooyinku way ka sii xoog badan yihiin waxana ay dhacaan marrar ka sii badan intii hore. Waxa laga yaabaa in cadaadis weyn laga dareemo dhabarka dambe iyo malawadka.

Waxa aad sameyn kartid:
Is dabci inta u dhexeysa fool-qabashooyinka. Isticmaal tabaha neefsashada ama isdabcinta ee aad ku baratay fasalada dhalmada ama gargaar weydiiso kalkaalisadaada. Ha riixin ilaa laguu sheego inaad sidaa sameysid.

Waxa wehelkaagu sameyn karo:
Dhiirigali oo deji. Inta lagu jiro foosha hore, ka gargaar beddelidda habka jiifka 1-kii ilaa 2-dii saacadood kasta. Sii qaybo ah baraf iyo labeenta dibnaha. Isticmaal ereyo dhiirigalin leh.

Heerka Labaad ee Foosha
Heerka labaad waxa uu bilaabmaa marka afka ilmo-galeenku si buuxda u furan yahay waxana uu socdaa ilaa ilmuhu dhalanayo, taasoo qaadata qiyaastii 1 ilaa 2 saacadood. Inta lagu jiro wakhtigan, shaqaalaha ayaa kuu sheegi doona goorta aad riixi kartid isla markaana gargaar ka geysan kara taageeridda jirkaaga marka aad dhalaysid ilmahaaga.

Waxa aad sameyn kartid:
Waxa lagugu dhiirigalin doonaa in aad riixid la sameysid foolqabasho kasta.
Waxa laga yaabaa in laguu sheego in aad si tartiib ah u riixdid ama aad joojisid riixidda marmarka qaarkood.

Waxa wehelkaagu sameyn karo:
Taageer jirkeeda inta lagu jiro dhalista. Dhiirigali oo ka gargaar tirinta inta ay riixayso.

Heerka Saddexaad ee Foosha
Heerka saddexaad waa soo-bixista mandheerta ka dib dhalmada. Kani waa heerka ugu gaaban foosha, waxana uu socdaa 15 ilaa 20 daqiiqadood.

Halkaan kaa daawo qaababka fiican ee dhaqdhaqaaqa xiliga foosha:

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *