Hababka Ugu Toosan Ee Dadka Loola Dhaqmo

Markasta waxaa khasab kugu ah inaad dadka la dhaqantid si wanaagsan ood la macaamalootid, maxaa yeelay majiro qof kaligii noolaan kara oo ka go’i kara bulshada la dhaqankeeda , sidaas darteed waxaa loo baahan yahay inaad dadka caawisid si waxa ay kaaga bahan yihiin u helaan, hab la dhaqankaada wanaagsan ee aad dadka kale ula dhaqantaana waxay qofka wax ka baraysaa waxa adiga aad tahay oo uurka kuugu jira , islaamkuna waxa uu ku buuriyay bulshada walaalaha ah inay iskula dhaqmaan si wanaagsan  taas oo looga dayanaayo nabigeena (naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee ) muxamad, wuxuu ula dhaqmi jiray  gaalada si wanaagsan dadka muslimka ah ka sokow sida darteed waxaa loo bahanyahay in qofka muslimka ah hab la dhaqankiisa wanaagsan uu safiir uga noqdo dadka kale ee muslimka ah

Waa kan habka ugu toosan ee dadka loola dhaqmo :

  • Markaad adeeg ka dalbanaysid qofkale waa inaad uga dalbataa si ixtiraam iyo maamuus ku jiro adigoo isticmalaya erayadan ( fadlan, iga raali noqo, mahadsanid)
  • Waa inaad la socota qofka aad la hadlaysid maqaamka iyo sharafta uu leeyahay tusaale markaad la hadlaysid gabar adiga oo wiil ah waa ay ka duwantahay markaad la hadalaaysid wiil ,sidoo kale markaad macalin aad la hadlaysid way ka duwantahay markaad arday wax dhigta la hadlaysid
  • Qofkasta oo aad la hadlaysid waa inaad ixtiraam kula dhaqantaa si adiga uu kuu ixtiraamo, bulshada kalena ay kuu ixtiraamaan
  • Marka uu qof kula hadlayo waxaa waajib ah inaad dhagahaada u raaricisid adiga oo la socda hadalakiisa bilow ilaa gunaanadka , qof kalena adigoon fiirinayn , waa inaad ku mashquulin taleefonkada ,sidoo kale hadalka isaga oo watana aadan kasoo dhexgalin (ka jarin)
  • Inta aadan hadlin waa inaad la socotaa hadalka aad sheegaysid si uusan dadkale u dhaawicin ama aadan gaf cid kale ugu gaysan.
  • Waxaa laga yaaba muuqaalkada kore inay dadka kugu jecladaan oo aad kusoo jiidatid laakiin waxaa ka weyn adigo hab la dhaqankaada wanaagsan kusoo jiita
  • Isku day inaad marwalba dadka wanaaga ku dhex faafisid oo labada is dagaashan aad heshiis dhex dhigtid.
  • Haday khasab kugu noqoto inaad la hadashid qof gef idin dhexmaray iskuday inaad ula hadashid si wanaagsan adigoo qarinaaya xumanta aad u qaaday qofka
  • Dhoola cadeynta waa waxa ugu quruxda badan ee qofka aad wajigiisa kala hortagtid iyadoo gudbinaysa fariin degdeg ah oo wanaaga ka tarjumaysa
  • Ogow qofka sidaad ula dhaqantid ayuu marwalba kuula dhaqmaaya .

Waxaa diyaariyay: Dr Usama Cismaan

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *