Wax Ka Baro Hababka Looga Hortago Guuldarada

Qof kasta inaga mid ah wuxu u baahan yahay qaab uu kaga hortago guuldarada nolasha. Laakiin nasiib daro qof kasta waxa uu ku mashquulay sidii ku guulaysan lahaa laakiin aanu ka fikirin sidii uu uga hortagi lahaa guuldarada.

Xadiiqada guuldaradu waa qeyb ka mid ah nolasha, waana muhiim inaad barato qaabka looga gudbo,Ha u ogolaan cabsida guuldaradu in ay burbuuriso noloshaada iyo mustaqbal kaaga.

1. Baro Khaladaadkaaga.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad guuldarada kaga gudbi kartaa , in aanad mar labad sameyn
khalad aad horay u sameysay, taasi micneaheedu maaha in hadii aad shey mar ku guuldareysato in aad mar kale ku guuldareysanayso, lakin waxay tahay in aad wax ka barato khaladaaddkaagi hore ee aad sameysay, Khalad kaga oo aad wax ka barata, oo aanad ku si socan waad kaga hortagi kartaa wadad guuldarada .

2. Nafta si fiican u Deji.

Woxooga nafta daji neef qaado misna si fiican uga fikir xaalada markaas aad ku sugaan tahay.albaab ku wali wuu furan yahay ha is ciil kaanbiyiin ha odhaan maxay sidan uu dhacday .Illaha talo saaro oo xasuuso mar kastaa oo ay aqabad ku soo wajaahdo ,lakin nasiib daro bulshada inteeda badani ma isticmaalaan talaabadan,waxan odhaan karna waa fikir shaqeynaaya. waayo Noloshadu kuma dhamaaneyso hal mar oo aad guuldareysatay, Ha u ogolaan guuldaradu in ay deggaganaanshiyaahaaga burbuuriso,Noqo mar kasta qof deganaasho ku jira xalaad kasta oo aad ku sugaan tahay.

3. Dooro Jiiho Cusub

Guuldaradu waa calaamad muujineysa in aad saaran tahay jiiho khaldan.waxa aad u baahan tahay in aad raacdo jiihada saxda ah.Ha ku fikirin in aadan noloshada waxba ka bedeli Karin,maxa yeelay waad awoodaa waxaad u baahan tahay in aad iska saarto cabsida guuldarada,Noloshadana u dhaqaajiso jiihada saxd ah.

4. Ma, muul maskaxdaada.

Ma tahay qof fikira marka ay wax xun dhacaan .waxaad fikirtaa maalintii iyo habeenkii oo dhan mana joojin karid.Habada habka ugu wanaagsan ee aad kaga gudbi kartaa guuldarada,xakame maskaxdaada oo ku mashquuli wax akhriis ,Qur,aanka kariim ka ah muuxaadiroyiinka buugagta cilmiga iyo kuwa maskaxda koobciya. Kuna kalsoonow in aad tahay ka kaliyee wax ka badali kara noloshiisa.

5. Ka Fikir waxa keenay Guuldarada.

Guuldaro kasta waa fursad ay wax kugu kordhayaan.
Guuldarada iyo khaladaakaga waxay ka dhigayaan mid adag.
Ogow marna in aadan guuldarada ka gudbeyn hadii aadan garaan khaladaadkaga.Qaado wakhti aad ku fikirto misna ogow sababta rasmiga ah ee keentay guuldarada.

6. Ha ogolaan dadka kale inay hoos ku dhigaan.

Waxa hubal ah in aad soo martay noloshaada guuldarooyin faro badan . si kastaba ha ahaate ha u ogolaan dadka kale in ay ku niyad-jabiyaan ama ay kugu tilmaamaan in aad tahay qof aan waxba qabsan Karin. Ma jiro qof waada wanagsaan qof waliba khalad wuu sameeya,hadaba ku dhiiri geli naftaada in aad tahay qof wax qabsan kara guuldaradana ka gudbi kara.

7. ibso bug yar oo xasuus qor ah.

Maalin walba ku qor sadex shay oo aad guul ku gaadhay isla maalintaa,ilayn suuro gal maaha in aadan maalin dhan wax faa,iido leh qaban.
Buuga yar ku magacaw saaxiibka guusha, oo maalintiiba hal mar akhri. Si aad uga hor tagto wadada guul darada.

8. Badi Ducada.

Cibadada badi Allah talo saaro xus oo xasuuso in Ebee garab kaga tagan yahay mar kaasta ,meel kasta iyo xalad kasta oo aad ku sugan tahay .ogsonow in uu Allah awood ku siyay markastaa u mahad naq . aqbaal in aad tahay qof uu Allah sharfay. Mada Allah ka dhigay bini,aadam oo aanad ahayn Xayaawaan iyo Iwm.

Ha ka baqaan guusha hadi aad ka baqato wadada guul darada ayaad ku dhacaysa waligana lagama yaabo in aad heeshid.
Guushu ku imaan mayso aada radsaanaya.
Guushu ku so dhawayn mayso roogna ku dadin mayso aadaa samaynaaya .
Talabda u horeysa waay adagtahay lakin aada fududaynaya .
Noqo qof jira, noqo qof la soo higsaado noq qof samiir leh iyo dulqaad.
Adu hays xaqiirin intaa aanay dadku kale ku xaqiirin.
Isku kalsoonow oo niyadada waanaji.
Wadada guuldarada waad ka badbaadi insha Allah

akhriiste
Fikirkaga waan soo dhawaynaaya.
W/Q hinda cabdi sheikh
Hinda20999@gmail.com

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *