Hababka Dabiiciga Ah Ee Looga Takhaluso Agoolka

Waxaa ishayda ku dhacay maqaal lagu qoray joornaalka caanka ah ee la yiraahdo Readers digest oo soo bandhigay in si dabiici laysaga daawayn karo agoolka (dandruff) oo dad badan dhib ku haya. Inta maqaalkan aanaan u gudbin waxaan idiin soo bandhigayaa waxa keena agoolka marka horaba.

Agoolka tinta waxaa keena jeermiga la yiraahdo Funguska oo ku tarma oogada dhalada madaxa. Fungusku wuxuu madaxa ka kacshaa gas iyo qolfo cuncun badan ku keena madaxa.

Waxyaalaha kalifa inuu tarmo jeerrmiga agoolka waxaa ka mid ah in oogada madaxa ama timaha oo basaasa, cudurka seborrheic dermatitis iyo eksiimada.

Marka ay timaado inaad u tagto dhaqtar caafimaad waxaa laguu soo qorayaa shaambooyinka agoolka oo ay ka midka tahay mida daawaysan ee Ketocanazole.

Kaniiniga Aspirin: Haddii uu guriga yaalo labo xabbo burburi oo budo ka dhig, dabadeed ku qas qadar shaambada caadiga ah ee timaha ku mayrato mar walba. Iskudarka shaambada iyo kaniiniga buddada ah ilaa hal ama labo daqiiqo ku ubri timaha. Dabadeed biyo raaci timaha. Mar kale shaambada caadiga ah timaha ku mayr.

Buddada cajiinka lagu daro ama Baking Soda: Timahaaga qoo, dabadeed xooggaa buddadaan ah madaxa ku shub oo ku masaajee dhalada. Cabaar ka dib timaha si fiican u mayr adiga oo aan isticmaalayn shaambo. Waxay budada cajiinku ka hortagtaa in unugyada fanguska ee keena agoolka aysan tarmin. Xooggaa in madaxu basaaso oo qalalo baa laga yaabaa laakiin asbuuc ka dib agoolku waa tagis.

Vinegarka tufaaxa laga sameeyo: rubac galaas vinegar ah ku dar rubac galaas biyo ah, dabadeedna ku qoo timaha ama spray isiticmaal. Ilaa 15 daqiiqo ama hal saac timaha qoyan ku duub shukumaanka, kadibna mayr timaha iyo madaxa.
Mouth-wash oo ah daawooyinka lagu luqluqdo oo ka samaysan kiimikada Aalkolada ayaa iyana disha fungulka keena Agoolka. Isticmaal shaambadaada caadiga ah dabadeed xooggaa mouth-wash mari timagha iyo dhalada.

Saliid Qumbaha: Qubayska ka hor 3-5 qaado oo saliid qumbe ah ku masaajee timaha iyo madaxa dabadeed sug ilaa hal saac ilaa saliidu madaxa ka falgalayso.

Liin Dhanaan: Liinta dhanaani waxay leedahay aashito burburisa agoolka. labo qaado oo liin dhanaan la tuujiyay ah ku daliig madaxa iyo timaha. dabadeed halk qaado oo liin ah ku qas hal galaas oo biyo ah oo ku mayr madaxa ilaa uu kaa dhamaanayo agoolku.

Cusbada caadiga ah ee jikada: qubayska ka hor ku shub madaxa xooggaa cusbo ah oo ku masaajee madaxa ka diban shaambo caadi ah ku mayr madaxa.

Toonta: toontu waxay ka hortagtaa nooc agool ah oo ay keento baakteeriyadu. Shiid oo burburi dhawr gobol oo toon ah dabadeed ku masaajee madaxa iyo timaha. haddii urta toontu ku dhibayso ku qas toonta xooggaa malab ah oo mari madaxa ka hor inta aadan qubaysan.

Olive Oil ama saliid saytuun: Ilaa 10 dhibcood madaxa habeenkii ku shub oo ku masaajee, madaxa dabool arroortiina shaambo caadi ah madaxa ku mayr.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *