Habab Dabiici Ah Oo Aad Uga Takhalusi Kartid Qalaylka Dibnaha

dibnahaDibnaha  ayaa ah qayb aad u xasaasi ah jidhka bina aadamka, una bandhigan isbadallo kaga imaada dhinaca dibada iyagoo badiyaaba uu ku dhaco qallayl ama engag, gaar ahaan marka la galo xilliyada qaboobaha. waxaana suurto gal ah in ay ku dhalato bakteeriya hadii ay dhaawacyo dil dillaac ahi soo gaadho.

Waxa kale oo sababa engaga ama qallaylka dibnaha caadooyin qaldan oo ay badiyaaba dadku sameeyaan, sida:
Cabitaanka biyaha oo qofku yareeyo.

  • Leefid uu qofku badiyaaba carrabkiisa mariyo dibnaha.
  • Maadooyinka kiimikalka ah ee ku jira dawada lagu cadaydo.
  • Fallaadhaha cadceeda oo uu qofku waqti badan hoos joogo.
  • Waxyaabo kiimikal ah oo ku jira qalabka la isku qurxiyo.
  • Afka oo uu qofku ka neefsado.

Hadaba si aad iskaga reebtid engaga dibnaha una heshid qoyanaan labin laaban, fadlan qaado tallaabooyinkan la tijaabiyay adigoo adeegsanaya waxyaabo aan qaali ahayn isla markaana si fudud loo heli karo.

Sonkor:

Sonkorta ayaa kamid ah waxyaabaha dabiici ga ah ee qooya dibnaha, iyada oo isla markaana kaalinta koobaad ka gasha alaabta loo adeegsado sidii meesha looga saari lahaa diirka dhintay.

Qaabka: Isku dar 1/4 Qaaddo (rubuc) sonkor ah iyo 1/2 qaado malab ah (kala badh), itaa kabacdi dul saar dibnahaaga kuna duug farahaaga qadar daqiiqad ah, u kaadi qadar diiqad ah oo kale kadibna biyo ku dhaq.

Malab iyo Glysolid:

Marka laga imaado inuu diirka qofka jilciyo, ayaa hadana malabku wuxuu ka kooban yahay waxyaabo dabiici ah oo lid ku ah bakteeriyada iyo jeermiska keena dildillaaca jidhka.
Qaabka: Sadex qaaddo oo malab ah ku dar 3 qaaddo oo Glysolid ah, ku ilaali meel nadiif ah kadibna adeegso 3 mar maalintii.

Saliida geedka qunbaha:

Saliida geedkan qunbaha ayaa kamid ah waxyaabaha dabiiciga ah ee ay ku dhex jiraan aysid (Acid) dux leh taasi oo qoysa dibnaha qofka jidhkana noolaysiisa.

Qaabka: Hal lakab oo saliida qunbaha ah dul saar dibnahaaga 2 mar maalintii, waxaana la door bidaa habeenkii intaad seexan inaad samayso arinkan, kadibna ku seexatid.

Castor oil:

Saliida magacan wadata ayaa waxa badiyaaba loo adeegsadaa xaaladaha ay dibnuhu aad u dil dillaacaan, iyada oo ka awood roon waxyaabahaynu soo sheegnay dhammaan.

Qaabka: Ku duug dibnaha lakab kamid ah saliidan hal mar habeenkii inta aanaad seexan, aroortii markaad soo toostid masax adigoo adeegsanaya cudbi iyo biyo diirran.

Cucumber:

Khudrada Cucumber ayaa kamid ah khudaarta kuwa ugu anfaca badan gaar ahaan dhinaca qallaylka dibnaha.

Qaabka: Qudaartan shiid kadibna dul saar dibnahaaga adiga oo u daynaya muddo 15 daqiiqo ah, waxaad adeegsataa qaabkan 1 ama 2 jeer maalinkii.

Vasline:

Adeegso vaslineta caadiga ah si aad u qoyso dibnahaaga una hesho qurux iyo dhalaal widhwidhaya, waxa suurto gal ah inaad ku dhex walaaqdo malab si aad usii libin laabto awooda qaabkan.

Ugu dambayntii.. Ku dadaal inaad cabto biyo kugu filan maalin kaste si uu jidhkaagu u helo qoyaan ku filan, dooro qaabka kula fudud adiga oo ku celcelinaya muddo ilaa 3 maalmood ah, hadii aad isbadal badan arki waydo u gudub qaabka kale ee ku cajabiya.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *