Ha Quusan Ha is dhiibin weli Alle Talo saaro!

Goortii wax kasta kaa qaldamaan
Goortii wadada aad ku socoto kula noqoto buur aad koreyso
Goortii deyn badan aad ku jirto si aad u bixisana aadan garaneyn
Goortii qorshe walba aad sameysay kuu shaqeyn waayo
Goortii aad ku fashilanto isku day kasta
Goortii aad dareento in qofna uusan ku fahmeen
Goortii aad dareento inaadan sii socon karin intaa ka badan
Goortii dhibaato ku hayso aadna hayn wax xal ah,
Xusuuso Alle ayaa haya jawaabahaaga oo dhan.
Ma arki kartid wadada kaa horeysa balse Alle ayaa arki kara.
Ma garan kartid qiimahaaga balse Alle ayaa garanaya
Ma kuu shaqeyn qorshahaaga balse Qorshaha Alle ayaa ugu wanaagsan
Ma heli kartid hab aad farxad ku hesho balse Alle ayaa ku tusi kara – Haddii aad aaminto oo talo saarato

Alle SWT wuxuu Quraanka ku yiri,
“Ruuxii Alle ka dhawrsada wuxuu u furi faraj. Wuxuuna ka irsaaqi meel uusan ka filanayn, ruuxii Eebe Tala saartana waa ku filan yahay, Eebena amarkiisu waa fuli (waxna kama fakado) wax walbana Eebe wuxuu u yeelay waqti sugan…”

Alle SWT ha ka dulqaado qof kasta oo kurbo iyo dhibaato aduun heyso. Eebe ha ugu bedelo fudayd qof kasta oo culays badan dareemaya

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *