11 Sababood Oo Kugu Qasbaya Inaad Ka Fogaatid Sharaabka Soodhaha

Sharaabka la cabo ee soodhaha leh ayaa hadii aad loo badsado (3 xabo ama wax ka badan maalinkaste) cabitaaniisa waxa uu dhibaatooyin badan u leeyahay jidhka binu aadamka iyo waliba cirridkiisa, hadaba dhibaatooyinkan  ayaa waxa laga qaada hadii aad si xad dhaaf ah u cabtid sharaabka noocan ah. Iyada oo uu ka kooban yahay sharaabkani curiyayaasha loo yaqaano phosphorus and carbon acids ayaa hadii aad loo badsado waxa uu qofku halis u yahay in dhibaatooyinkan soo socda kala kulmo:

  • Ilkaha oo xanuun ku imaado kadib marka uu qodo cirridka isla markaana uu soo saaro jirridooda.
  • Wax faaido oo xaga cunnoda ahi kuma jirto.
  • Marka uu qofku ka daba cabo cunno kadib waxa uu ka saara meesha dheeftii ay lahayd cunnadaasi.
  • Dhiiga oo sonkortu ku badato si dagdag ah.
  • Dhibaatooyin badan oo uu u leeyahay qofka macaanka qaba.
  • Miisaanka qofka oo siyaada ama kordha.
  • Lafaha qofka oo khafiif noqda ama taag dareeya.
  • Firfircoonida oo yaraata caajiskuna bato.
  • Abiteed la’aan ku timaada qofka badsada, oo isaga oo gaajoonaya uu hadana waxba cuni kari waayo gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada.
  • Waxba kama tarto dheefshiidka cunnada sida ay dadka qaar rumaysan yihiin.
  • Waxa uu soodhuhu fara galin ku samameeya shaqada ay kalyuhu qabtaan taasi oo sabab u noqota in ay samaysmaan qururux ama dhagaxaan kaadi haysta ku abuurma.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *