Guusha Guurka

Guusha Guurka

1. Waxaa guuleystay labadi jaceylkooda horay u sii wata siina xoojiya ka dib markii uu Alalaaska Arooskooda dhamaado

2. Waxaa guuleystay labadii garta in Guurkoodu ka dhigan yahay Guri ay wada jir u dhisayaan, mid kastana ku dedaalo gudashada kaalinta kaga aadan.

3. Waxaa guuleystay labadii is xasuusiya Xuska Alle, Diinta wada barta, Quraanka aqriya, wanaaga is fara, isuna duceeya

4. Waxaa guuleystay Sayga iyo Xaaska goortii ay doodayaan aan marnaba kor u wada qeylin, isna oran erayo qalbi-jab ah

5. Waxaa guuleystay Sayga iyo Xaaska isu muujiya qadarin yo xushmad, iskulana dhaqma dabeecad iyo akhlaaq wanaagsan

6. Waxaa guuleystay labadii aan jaceylkooda baraha Bulshada ku soo bandhigin balse iyaga dhexdooda isu muujiya

7. Waxaa guuleystay labadii ka fakira koriimada ubadkooda, qawl iyo ficil wax ku bara, una noqda tusaale fiican oo ay ku daydaan

8. Waxaa guuleystay labadii is daryeela, isu daacad ahaa, si dadnimo leh u guta waajibaadkooda, dhawrana xaqa ay isku leeyihiin

9. Waxaa guuleystay labadii ka shaqeeya xallinta xurguf hadey dhex marto iyadoo xigto dhex galin

10. Waxaa guuleystay labadii garowsada in maalintey is guursadeen ka gudbeen baashaal iyo waqti lumis bilaa macna ah, kuna mashquula hagaajinta hoygooda iyo horumarinta naftooda.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *