Shirgadda Google Oo Soo Saaraysa Qalab Wax Ka Taraya Shiirka/Urka Bini’aadamka

google Shirkada raadinta internet-ka caanka ku ah ee Google ayaa Talaadadi lasoo dhaafay diiwan gashatay batante aalad cusub ay sameyn doonto. Qalabkan ayaa waxey ugu magac dareen ‘Fragrance Emission Device’, dabcan magaca batantaha ayaa la wanaajiyay oo waxu ku fiicanaan lahaa ‘Shiir Uriye’.

Maxey qaban doonta aaladan?
Qofka ayaa xiranaya ama jeebka ku qaadanaya, markaas aaladan ayaa urineysa shiirka qofka wata oo u sheegeysa inuu shiir ka uraayo ‘dabcan dad badan ayaan ogeyn in shiirayaan’, intaas oo kaliya ma ahan waxey kaloo ku xirantahay internet-ka iyo bogaga bulshada ku kulanto ‘social media’ oo waxey raadineysa asxaabtisa iney meelaha ka dhowyihin si uusan si kama ah ugu dhicin meel ay joogaan uuna ku ceeboob-in. Tusaale ahaan, haduu rabo inuu suuqa kasoo adeegto alaadan ayaa fiirineysa internetka si ay u eegto dadka mobile-kisa ugu keydsan iney ku suganyihin suuqaas, hadii qof uu yaqaan joogo suuqas waxey u soo jeedin suuq kaas la mid oo ka dhow inuu aado.

Sidee ku imaan doona?
Aalaadan oo dad badan ka fajicisay ayaa ku imaan doonta mobile-ada gacanta lagu qaato iyo saacada hormarsan, ‘Smart Watches, Wearables’.

Maxaa faa’ido Google ugu jirta?
Dabcan lacagta ay ku gadeyso aaladan, sidoo kale macluumadka qofka shiirka leh oo ay u sameyn doonto asxaab kale oo shiirloowyaal ah ay la saaxiibaan. Sidoo kale waxa isticmaali doona maqaayadaha iyo dukaamada si ay u hubiyaan in shaqaalahooda aysan shiireyn oo aanay macaamiisho u karaahsan.

Check Also

computer security computer-kaaga

5 Qodob Oo Computer-kaaga Ka dhigaya Secure

Tilmaamaha soo socodo waa kuwo kaa caawin karo in Computer-kaaga uu ka badbaado Viruses iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *